4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2013
Ciidanka Booliiska Somaliland oo soo Ban-dhigay Dambiyadii Somaliland ka dhacay iyo sidii ay uga Howl-galeen

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa shalay ka qaybgalay munaasibad loogu dabaaldegayey sanad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska oo sanad walba la xuso November 3-deeda.

Munaasibadan loogu dabaaldegayey Ciidanka booliska ayaa lagu soo bandhigay kor u kaca ku yimid sandkan dambiyadda ka dhacay Somaliland iyo qaabkii ay ciidanku uga hawlgaleen.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay tirada falalka muqaadaraadka ah ee ay gacanta ku soo dhigeen, lacagaha been abuurka ah ee la qabtay, shilalka gaadiidka dalka ka dhacay, iska horimaadyada hubaysan iyo tiradda dadka iyagu gacandooda isku dilay ama is gubay.

Hoggaanka hawl-gelinta Ciidamada Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale ayaa madaxweynaha hortiisa ka akhriyey sanadkan wixii dambi ah ee dalka ka dhacay iyo sida ay uga hawlgalaan marka uu dambi dhaco.

“Haddii aan soo qaado tirada guud ee dambiyada ka dhacay dalka sannadkan 2013-ka waxa ka dhacay dalka 21,278 Dambi. Maxkamada waxaanu u gudbinay lix kun lix boqol sagaal iyo sagaashan dambi ( 6,699 dambi) waxaa la xukumay laba kun laba boqol konton iyo siddeed dambi (2,258), inta laga heshiiyay sagaal kun saddex boqol iyo afar, waxaa beenoobay oo noqotay nooca loo yaqaano xaalad abuurka, waa saddex kun siddeed boqol iyo laba iyo sodon, inta baadhista ku jirtaa waa kun afar boqol saddex iyo afartan.”ayuu yidhi taliyaha hawlgalinta oo ka hadlayey dambiyada sanadkan 2013 ka dhacay dalka.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Haddii aan ka hadlo tirada dembiyada dilka ah ee dalka ka dhacay sannadkan 2013-ka waxaana dalka dhacay, waxaa dalka ka dhacay 73 dil, waxaa ku dhintay 75 qof, tirada gacan-ku-dhiiglayaasha la qabtay waa 68, tirada gacan ku dhiiglayaasha boolisku hadda baadi doonayaa waa 5 qof.”.

Mar uu ka hadlayey shilalka baabuurta dhacay waxa uu yidhi “ Sanadkan dalka waxa ka dhacay laba kun saddex boqol todoba iyo afartan shil Baabuur, inta ku dhimatay waxay noqotay boqol iyo lix iyo afartan, inta ku dhaawacantay waxay noqotay kun iyo siddeed boqol iyo shan, Tirada khasaaraha gaadiidka ee wax ku noqday waxay noqdeen kun lix boqol iyo lix, khasaaraha xoolaha ku dhintay waxay noqotay afar boqol sagaal iyo toban. Khasaaraha dhimashada dadka waxay noqotay laba boqol todoba iyo labaatan, khasaaraha dhismayaashu waxa uu noqday laba boqol iyo laba iyo labaatan.”

Hoggaanka hawl-gelinta Ciidamada Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale waxa kale oo sharaxaad ka bixiyay tirada dambiyada ay ka midka yihiin, caruurta la tuuray, tirada iska horimaadyada hubaysan ee dalka ka dhacay, tirada dadka iyagu is deldelay iyo tirada dadka is gubay, waxaanu yidhi “Haddii aan soo qaatay tirada caruurta la tuuray ee aanu soo helnay waa shan iyo toban sannadkan, waxaa dhintay todoba, inta noolina waa siddeed, tirada dadka is-deldelay waxa ay noqotay sannadkan siddeed iyo toban qof, tirada dhimatay waa siddeed iyo tobankiiba,Tirada iska-horimaadyada dalka ka dhacay sannadkan waxay noqdeen, afar iska horimaad ayaa dalka ka dhacay, waxaa ku dhintay sagaal qof, waxaana ku dhaawacmay koob iyo toban qof.”

“Muddooyinkan dabe waxaa soo kordhay ka ganacsiga dhalinyarada iyo tahriibta oo aafo qaran inagu ah. Waxaanay ciidamada boolisku ay la galeen dagaal, waxaanay gacanta ku soo dhigeen sannadkan 22 qof oo ah kuwa iyagu wax kala iibiya ee tahriibiya caruurta ee loo yaqaano aboolayaasha, waxa kale oo aanu gacanta ku soo dhignay saddex boqol iyo siddeetan dhalinyaro ah oo aanu dib u soo celinay, waalidkoodna aanu gacanta ka gelinay. Dhalinyaradaasi oo isugu jirtay reer Somaliland iyo reer Soomaaliya.”ayuu yidhi Taliyaha hawlgalinta Maxamuud Ducaale oo kahadlayey siday wax uga qabteen arimaha tahriibka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa isna sheegay inay xaaladda guud ee dalku degan yahay, isla markaana ciidanku horumar balaadhan ku talaabsaday, isagoo xusay inay saraakiil badan dibada uga soo baxeen.

“Waxaa sannadkan tababaro aqoontooda iyo xirfadooda Boolisnimo kor loogu qaadayo soo qaatay sagaal boqol oo askari, kuwaasi oo ay ka mid yihiin ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee sida RRU, SPU, CTU. Waxaa kale oo ka mid ah boqol iyo konton hablood oo ay aqoontoodu tahay dugsi dhexe, dugsi sare iyo heer jaamacadeed.”ayuu yidhi taliye Fadal Iimaan oo ka warbixiyey horumarka ciidanka Booliska, waxaanu intaas ku daray “Waxa kale oo sannadkan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba tababaro ku soo qaatay boqol iyo labaatan sarkaal oo isugu jira, saraakiil sare, dhexe iyo baadhayaal. Waxaana ka mid ah dalalka ay tababarada ku soo qaateen, dalka Ingiriiska Itoobiya, Uganda iyo Kenya”.

Sidoo kale, madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ciidanka ku hambalyey hawsha adag ee ay qaranka u hayaan iyo sida habeen iyo maalin heeganka ugu jiraan sugidda Amniga, waxaanu hambalyo u diray ciidanka iyo xaasaskooda inay sanadkan sanadkiisa ku gaadho nabadqabiyo barwaaqo.

Xuskan ayaa kuwii hore kaga duwanaa darajooyinkii loo sameeyey ciidanka, waana markii ugu horaysay ee ciidanka Somaliland dabaaldegaan iyagoo leh darajooyin kala sareeya, inkastoo madaxweyneyaashii hore ee xukunka soo maray sanad kasta ciidanka u balanqaadi jireen inay u samayn doonaan darajooyinka iyo haybadii ciidanka lagu yaqaan, haseyeeshee waxa balanqaadkaasi ku guulaystay xukuumaddan hada taladda haysa oo wakhtigii ololaha balanqaaday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland