4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2013
XAFLAD QALIN-JABIN: 130 arday Soomaaliyeed ah oo gobolka Minnesota ku Dhameysatay Barashada Qur'aanka (SAWIRRO)

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Dalad ay ku midaysan yihiin 15 dugsi Qur'aan oo ku yaalla gobolka Minnesota ayaa xaflad Qalin-jabin ah oo u qiimo badan ugu sameeyaya Minneapolis Convention Canter 130 Arday oo dhameysay barashada Qur'aanka Kariimka . Waana Qalin-jabintii labaad oo la sameeyo.

Xafladdan oo ay kasoo qaybgaleen dhammaan waaliddiinta iyo macallimiinta ardayda ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo ay ku tartamayeen ardayda sida Siirada Nabiga NNKH, Tajweed, Fiqiga iyo maadooyin kale oo ardaydu ay soo barteen, kuwasoo dadwaynahii kasoo qaybgalay ay aad u jaclaysteen aqoonta diimeed oo ilmahaas kororsadeen.

Cabdiqani Max'ed Garyare oo ah guddoomiyaha dallada Minnesota Dugsi Association MDA oo la hadlay HOL ayaa warbaxin ka siiyay sababta ay u aasaaseen MDA, waxuuna sheegay inay u sameeyeen si loo mideeyo awoodda, maskaxda iyo waayo aragnimada aan dhaxlnay intii aan ku dhex jirnay baridda Qur'aanka ilmaha, waa inaan buu yiri awoodayada meel isagu geyno inaan ilmaha u wada-qabanno xaflado sidaan oo kale ah.

Sheekh Cabdiraxmaan Sh. Cumar oo ka mida Culumadda waawayn ee Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhammaan ardaydii dhameysay barashada Qur’aanka Kariimka, waaliddiintoodii iyo macallimiintii soo gaarsiisay heerkan, isagoo yiri:”Waa Alle mahaddii haddii inagoo joogna Minnesota aan galabta u fadhinno 130 arday oo qaar sagaal sano jir yihiin oo Qur’aanka barashadiisa dhameystay.” Iyadoo Sheekhu uu si guud ugu duceeyay intii kasoo qayb-gashay hawsha.

Sidoo kale, Sheekh Cukaash Xasan oo ah ah qaari kasoo jeeda qaaradda Afrika Imaamna ka ah Masjid ku yaalla magaalada Philadelphia ayaa gabay u mariyay ardayda kaasoo ku saabsanaa fadliga uu leeyahay in lagu dadaalo barashada Qur’aanka Kariimka, isagoo u hambalyeeyay waalidiinta caruurta iyo macallimiintii wax soo baray.

Ugu dambeyn, waxaa goobta shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardaydii soo dhameystay barashada Qur’aanka Kariinka, iyadoo aysan ahayn sannadkii uug horreeyay oo xaflad noocan oo kale ah lagu qabto gobolka Minnesota.

Hiiraan Online
Minneapolis, MN