Isniin, November 04, 2013(HOL) - Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab Maxamed Daahiye ayaa dawlada Kenya ka codsaday inay furto xadka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Xildhibaan Daahiye ayaa sheegay in furitaanka xadka u sare u qaadayo xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada waddan oo uu sheegay inuu yahay mid labada dhinacba faa’iido ugu jirto.
Waxaa uu sheegay in ilaalada xuduudaha iyo waaxda socdaalka ee dalka Kenya ay ku baxday lacag dhan Sh. 270 million shantii sano ee lasoo dhaafay si ay u nidaamiyaan ulana socdaan dadka kasoo galaya xuduudaha dalka kuwaasoo uu ku eedeeyay inay shaqadoodii gabeen.
Daahiye oo booqasho ku tagay xadka labada waddan ay wadaagaan ayaa sheegay in ilaalada xuduudaha ay lunsadaan malaayiin lacag ah oo haddii canshuur ahaan loo qaadi lahaa dawlada Kenya soo galin lahayd lacag xoogleh.
Waxaa uu ka codsaday xukuumadu inay si rasmi ah u furto xadka labada dal lana adkeeyo ilaalada xuduudaha iyadoo la baarayo qaxootiga soo galaya iyo kan ka baxaya Kenya labadaba, canshuurtana qaab nidaamsan loo qaado.
Dadka labada dhinac ee xadka kala daggan ayuu tilmaamay in ganacsi xooglihi ka dhexeeyo hadii xadka la furana ay taasi siyaadin doonto canshuurta u soo xaroota dawlada Kenya iyo dakhliga dadka muwaadiniinta soo gala.
Dawlada Kenya oo sannado badan ka cabanaysay qaxootiga tirada badan ee dalkeeda ku soo qulqulaya ayaa xirtay xadka markii uu dhacay weerarkii ballaarnaa ee lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate taasoo keentay in dawlada Kenya ay ku eedayso qaxootiga kasoo galaya xadka inay qayb wayn ka qaateen ammaan darrada iyo weerarada Kenya ka dhaca oo intoodii badnayd ay masuuliyadooda sheegatay kooxda Alshabaab.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya oo ku baaqay in la isku furo xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya
More News
- Maxkamad ku taalla Kenya oo lasoo taagay Afar qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Westgate Mall
- Shirkad Somali ah iyo Shirkad Koonfur Afrikaan ah oo Maanta kala saxiixday Heshiis lagu dhisayo Deegaanno Cusub (SAWIRRO)
- Ciidanka Booliiska Somaliland oo soo Ban-dhigay Dambiyadii Somaliland ka dhacay iyo sidii ay uga Howl-galeen
- Nabaddoonnada Gobolka Mudug oo ku baaqay in lasoo af-jaro Colaadaha ka soo cusboonaaday Deegaanno Gobolka ka tirasn
- Madaxa Xafiiska Howl-galka Kaalmada QM iyo Wakiilka UNSOM ee Puntland oo la kulmay Qaar ka mid ah Isimada Puntland (SAWIRRO)
- XAFLAD QALIN-JABIN: 130 arday Soomaaliyeed ah oo gobolka Minnesota ku Dhameysatay Barashada Qur'aanka (SAWIRRO)
- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xabsi ciidan ku ridday sarkaal sare oo ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya
- Shirka dib u hishiisiinta Jubbooyinka oo Maanta lagu sharrixi doono hishiiskii dhexmaray Dowladda iyo Maamulka Jubba
- FOWZIYO YUUSUF: “Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanku waxay isku raaceen in la tageero Ciidamada Soomaaliya”