4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2013
FOWZIYO YUUSUF: “Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanku waxay isku raaceen in la tageero Ciidamada Soomaaliya”


Isniin, November 04, 2013 (HOL) —Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ogolaadeen in in la taageero ciidamada xoogga dalka iyo kordhinta ciidamada AMISOM.

Fowziyo oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay garoonka diyaaradaha waxay ku sheegtay inay dadaallo badan u gashay sidii loo taageeri lahaa ciidamada xoogga dalka si ay xasilinta dalka uga gaaraan guulo la taaban karo.

“Xubnaha golaha ammaanka waxay dhageysteen warbixin shirkii dhacay 30-kii bishii hore ka jeediyay ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo qiray guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen ciidamada Soomaaliya  iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM dagaalladii lala galay Al-shabaab,” ayay ku yiri shirkeeda jaraa’id.

Wasiiradda ayaa sheegtay in 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ay isku raaceen in laga taageero ciidamada dowladda Soomaaliay dhinaca dib u dhiska iyo qalabeynta.

 “Dadaal dheer, wadatashi iyo kulammo is-xig-xiga oo aan la kala yeeshay xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ayaa waxaan iskula garannay in ciidamada xoogga dalka oo tababarro helay laga helay dhinaca qalabeynta iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, kuwaasoo wax ka tari doona kor u qaaidda awoodda ciidamada xoogga dalka,” ay mar kale tiri wasiiradda.

Dhanka kale, wasiiraddu waxay sheegtay in xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka la filayo inay kulammo kale oo arrintan la xiriira yeeshaan inta lagu jiro bishan November.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagu doonayo in Soomaaliya ay kaga baxdo xilliyadii dagaallada sokeeye ayna u gudubto in dib loo soo celiyo ammaankii iyo kala dambeyntii dalka 22-sano kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya