Prof. Suleymaan Axmed Guuleed oo si weyn loogu soo dhaweeyay Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka (SAWIRRO)


Axad, 10 November 2013(HOL—
Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed oo ah aasaasahii ugu horreeyay ee ka hirgeliya Soomaaliya waxbarsho heer Jaamacadeed dagaallaadii sokeeye kaddib ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

 

Kulankan oo intiisa badan ahaa soo dhaweyn & xushmeyn loo hayo taariikhda uu qaybta ka ahaa Prof. Sulaymaan. Dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka sheekeeyay taariikhdii jaamacada, waxuuna ku tilmaamay taariikh socota maadaama ay bilow u aheyd jaamacadaha ka sameysmay gudaha Soomaaliya.

HALKA HOOSE KA DAAWO SAWIRRO BADAN


Prof.Sulaymaan oo Goobta ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay ”markii ardayda jaamacadaha dhiganayay ay wadanka ka tageen iyo kuwii dugsiyadda sareba ayaan iswaydiinnay sidaan ku badbaadin laheen jilka soo baxaayay ,waxaana aasaasanay 1997 jaamacadda oo markeedii hore loogu fakaraayay in laga sameeyo iskuul lagu barto farsamada gacanta,waxaana taas u sameenay markii jiilkii soo kacay oo dhan ay gacanta u galeen dagaal oogayshii dalka joogay ,dhalinyaradii soomaaliyeedna ay noqdeen kuwo baayaca qoriga kaliya, waxayna aheyd tijaabo lagu guulaystay oo aan dhihi karo waxaa ku badbaaday dad faro badan”. Prof. Sulaymaan waxaa uu sheegay in Ardayda dhigata jaamacadda ay ka kala yimaadeen 32 Dagmo oo ka Kooban 18ka Gobol ee Soomaaliya, waxuuna ku qiyaasay kun iyo afar boqol ardayda ka timid gobollada kale een ahayn gobolka Awdal oo Jaamacaddu ku taal.

 


Prof. Sulaymaan waxuu hore ula soo kulmay Jaaliyaddaha Washington DC,Ohio, Columbus Iyo Boston siduu goobta ka sheegay Max,ud Cigaal oo ah Masuulka Hay’adda Camuud oo ay wada shaqeyn ka dhaxayso jaamacadda wuxuuna xusay in waxbarashada looga baxi karo dhibta ka jirta wadanka Soomaaliya , isagoo ka sheekeeyay wax qabadkooda.

 

Siyaad Saciid Saalax

[email protected]

Minneapolis, Minnesota

More News