
Axad, November 10, 2013 (HOL) — Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta oo Axad ah kala saxiixday heshiis ku saabsan sidii dib loogu celin lahaa hal milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo muddo dheer dalka Kenya ku noolaa.
Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixday wasiiradda arrimaha dibadda ee Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo dowladda Kenya ay u saxiixday, wasiiradda arrimaha dibadda, Aamino Maxamed.
“Kenyan ahaan aad ayaan ugu faraxsan nahay in heshiiskan aan Somalia la saxiixanno, kaasoo dhigaya in qoxootigii Soomaalida ahaa ee muddada fog ku noolaa xeryaha dunida ugu weyn ee Dhadhaab dib loogu celinayo dalkii ay u dhasheen,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo shir jaraa’id si wadajir ah ula qabtay saxiixa kaddib Fowziyo Yuusuf Xaaji.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo iyaduna shirka jaraa’id ka hadashay ayaa sheegtay in qofkii doonaya in dib loogu celiyo Soomaaliya in dib loo celiyo, balse aysan jirin cid la qasbayo, ayna jeceshahay in dadku ay sidaas u fahmaan.
“Dowladda Soomaaliya waxay ogsoon tahay in loo baahan yahay in xal loo helo qoxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda ku laabtaan si ay dib noloshooda ugu dhisaan. Dowladdayda oo kaashanaysa beesha caalamka ay sameyn doonto goobo la dajiyo dadkaas dib dalkooda ugu laabanaya oo leh dhammaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha,” ayay tiri Fowziyo.
Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay kaalinta ay dowladda Kenya ka qaadanayso dib u soo celinta amniga Soomaaliya sida ciidamada ay u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Fowziyo waxay sidoo kale sheegtay in dib u cdelinta qoxootiga ay qayb ka qaadanayaan hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo xustay in qofkii isagu iskiis u doorta inuu dalkiisa ku laabto ay hay’adda UNCHR siinayso tashiilaad walba oo uu u baahan yahay.
Dhanka kale, wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed oo iyaduna dhankeeda ka hadashay aragtideeda heshiiskan ayaa sheegtay inuu fursad u yahay qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku noolaa muddada 22-ka sano ka badan, si ay qayb uga qaataan bay tiri dib u dhiska dalkooda.
“Tani waa billowgii safarkii rajada, waana calaamad aan sugaynay, sidoo kale waa calaamad aan jecel nahay inay walaalaheenna Soomaaliyeed ay si buuxda dalkooda ugu laabtaan oo ay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda kaddib sannado badan oo colaado ah,” ayay tiri Aamino Maxamed.
Iyadoo sii hadlaysa ayay tiri: “Kenya waxay doonaysaa nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya. Tanina waa qorshe aan doonayno in gobolka oo dhan uu nabad noqdo. Dhab ahaantii waan ku faraxsannahay heshiiska maanta la saxiixay ee qoxootiga Soomaalida ah ay dalkooda ugu laabanayaan.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph ole Lenku oo isaguna hadlay ayaa sheegay in qoxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa xeryaha Dhadhaab ay mar hore iskood ugu laabteen dalkooda Soomaaliya, kuwaasoo dagay deegaanno nabad ah.
“Soomaaliya waxaa hadda ka jira ammaan iyo deggenaasho, waxaana horay ugu laabtay qoxooti badan oo Soomaaliyeed, inta hartayna waxaan filaynaa inay dib ugu laaban doonaan dalkooda,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hay’adda UNCHR ee Qaramada Midoobay ayaa ballanqaaday inay ka kaalmeyneyso dadka doorta inay iskood ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya