
Axad, November 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilgaan diyaar u tahay inay ka gudubta dhammaan dhibaatooyinkii lagu yaqiinay sida burcadeed-badeedda, tahriibka iyo amni-darada; isagaoo dadka Soomaaliyeed ku boorriyay inay gacan ka geeystaan horumarinta dalka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay in dadka Soomaalida ah aysan mudnayn sifooyinka xu-xun sida argagixisada iyo burcad-badeednimada, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in hadda ay Soomaaliya ka tallaabsanayso marxaladihii ay soo martay taasna loo baahan yahay inay shacabkeennu ka qayb-qaataan.
“Masaari geed ma goyso haddii uusan gabalkiisa ku daabneyn. Al-Qaacida nooma imaan lahayn haddii dalka aysan dagaallo ka dhici lahayn, dhibka iyo mashaakilka jirana ma dhaceen haddii uusan dagaal jirin, Soomaali badan badana kuma dhammaan lahayn haddii uusan mid baas oo doon jaqaf ah wata uusan lacag ka qaadi lahayn. Haddii dhan kasta la eego xanuunka nagu dhacay innaga ayaa sabab u ah,” ayuu yiri madaxsweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad lagu soo gabagabaeynayay shir caafimaadka dalka looga hadlayay.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa khubadiisa ku yiri: “Siyaasadda riixeyno maanta waa laba, midda koowaad waa in la helo Soomaaliya oo mid ah oo gees-ka-gees ay ka taliso dowladda Soomaaliya, hadafka labaadna waa in la helo Soomaaliya oo dagan amni ahaan iyo siyaasad ahaan.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Somalia uusan ahayn dal ka dhexeeya caalamka oo dhan, balse ay dadka Soomaaliyeed oo keliya leeyihiin, iyadoo hadalkan uu u muuqday mid jawaab u ah hadalkii ay Al-shabaab horay ugu sheegeen in Soomaaliya ay tahay dal ka dhexeeya caalamka Islaamka oo dhan. Isagoo ugu baaqay ajaanibta ka barbar dagaalamaya Al-shabaab ee ku sugan Soomaaliya inay isaga baxaan Soomaaliya.
“Dalkan muslimiintana kama dhaxeeyo dadka aduunkana kama dhaxeeyo; Soomaaliya waaxa iska leh ummadda Soomaaliyeed, qofkii aan Soomaali ahaynna waa ajnabi. Kuwa Al-Qaacida ka tirsan ee dalka joogana waxaan leenahay dad iyo dalal ayaad leedihiine aada, haddii aad weydaanna innaga ayaa nagala doonayaa inaan sameyno sidii aad dalkeenna uga bixi lahaydeen. Soomaalida ka tirsan Al-shabaabna waxaan ugu baaqayaa inay dalkooda joogaan ayna noqdaan muwaadiniin wax-tar leh oo ay dagaallada iyo colaadaha ka tanaasulaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in in dowladdu ay hiigsanayso laba arrimood oo kala ah in dadku ay helaan amaan iyo in la horumariyo siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka si dadka iyo dalkuba ay uga gudbaan dhibaatada sannadaha badan soo jirtay wixii ay gacmahooda ku kasbadaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya