Xarunta Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigtay Buug cusub oo ka hadlaya Maareynta Nolosha Qofka (SAWIRRO)


Axad, November 10, 2013 (HOL) — Waxaa manta lagu soo bandhigay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed buuga loogu magac-daray HIMILADADAADA HANO oo uu qoray aqoon-yahan, Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad) oo wadamo kala duwan kasoo shaqeeyay, wuxuuna wax ka qoray leh waayo-aragnimo balaaran.

Buuggan ayaa wuxuu aad ugu nuux-nuuxsanayaa sida qofku ama kooxdu ku gaari karaan himiladooda gaarka ah, loona ilaaliyo inaysan dhiman arrinkaas oo taabanaya sida dulqaadka ay u baahan tahay inaad ku dadaasho sidii aad uga gun gaari lahayd himaladaada.

Qoraagu wuxuu aad ugu faahfaahiyay buuggiisan in waqtiga iyo nolosha oo loo sameeyo qorshe cad ay sal u tahay in qofku uu gaaro himiladiisa, isagoo aan la kulmin wax dhibaato ah.

Buuggan wuxuu si buuxda u taabanayaa in qofku ku noolaado inuu rajeeyo inuu gaaro himiladiisa, wixii aad ku fakarto ama dad kaa horreeyay gaareena aad adigana leedahay fursad aad ku gaarto, adoo ku tashanaya inay jiraan caqabado badan oo kaa hor imaan doona.

Himlooyinka buuggan uu xambaarsan yahay ayaa waxaa ka mid ah kuwa si dhow u taabanaya nolosha qofka oo aan laga maarmin sida waxbarashada, ganacsiga, hogaaminta, wadajirka iyo sidii aad noloshaada uga adkaan lahayd.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News