Dood cilmiyeed looga hadlayay sida dhallinyarada uga Qayb-qaadan karaan Nabadda oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Axad, November 10, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida ay dhallinyarada ku nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir uga doodi karaan qorshe howleedka iyo yoolalka ay higsanayaan lixda bilood ee soo socota ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho.

Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ee CCD aya waxaa ka qeyb-galay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka hobolka Banaadir, guddoomiyayaasha dhallinyarada Muqdisho ku nool.

Ugu horreyn, waxaa dood-cilmiyeedka furay guddoomiyaha degmada Xamar-jajab, Maxamed Cali Axmed oo uga mahad-celiyay hay'adda CCD doodda ay u soo qaban-qaabisay dhallinyarada, isagoo dhallinyarada ku boorriyay inay isku duubnaadaan.

"Wada-shaqeyn iyo isku-duubni ayaa dhallinyarada looga baahan yahay, si dhibaatada jirta looga gudbo, waa in dhallinyarada iyo hay'adaha amnigu uu dhex-maraa xiriir iyo wada-shaqeyn, si nabad loo gaaro," ayuu yiri doodad ka sheegay guddoomiyaha degmada Xamar-jajab.

Guddoomiyaha Xamar-jajab ayaa sheegay in dhallinyarada ay horumar ku gaari karaan, iyagoo gacmaha is qabsada, isla markaana ka hortaga falalka amni darada, waxaana uu tibaaxay in nabadgelyo darada ay dhallinyarada saameyneyso.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay inay soo sheegaan kuwa nabadda diiddan ee xaafadaha ku dhuumanaya, lana shaqeeyaan hay'adaha amniga si ay u gaaraan nabad iyo horumar.

"Dhallinyarada waxaa lagama maarmaan ah inay soo sheegaan Al-shabaab haddii xaafadahooda ku arkaan, hadhow yuusan idinku dhex-dhuuman oo uusan dhibaato idiin geysan. Nabaddana dhamaanteen ayay faa'iido noogu jirtaa," ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Taliyaha saldhiga booliiska degmada Xamar-jajab, Dhamme Xuseen Cumar Muumin ayaa sheegay in haddii booliiska uu yahay bad-baadiyaha shacabka, waxaana uu ka dalbaday in dhallinyarada ay kusoo war-geliyaan haddii ay arkaan wax nabadgelyada wax u dhimaya.

"Dhallinyarada degmooyinka haddii ay arkaan kuwa qal-qal-gelinaya amniga waa inay hay’adaha amniga kusoo wargeliyaan, marka horena ciidamada iyo dhallinyarada xiriir wanaagsan ha yeeshaan," ayuu yiri taliyaha.

Agaasimaha xiriirka degmooyinka ee gobolka Banaadir, Mukhtaar Maxamed Axmed (Dhega-Cadde) ayaa sheegay in degmo kasta dhallinyarada ku nool looga baahan yahay inay nabadgelyada door muuqda ay ka qaataan, haddii aanay nabad jirin horumar iyo isboortiba ma jirayo.

Intii ay dooddu socotay waxaa fikrado iyo aragtiyo isku dhaafsaday ka qeyb-galayaashii, kuwaasoo sheegay inay diyaar u yihiin inay nabadda ka qayb-qaadan doonaan.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News