MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Caafimaad tayo leh” (SAWIRRO)


Axad, November 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegey in qoddobadii kasoo baxay shirweynihii Qaran ee Caafimaadka in dowladdu ay dhaqan-gelineyso si caafimaadka dalka loogu sameeyo dib-u-habeyn.

Shirweynaha caafimaadka dalka oo muddo seddax maalmood ah Muqdisho ka socday ayna ka qayb-galayeen khuburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay wasaarada horumarinta Adeega Bulshada ayaa waxaa lagu casuumay dhakhaatiirta iyo xirfadleyda Soomaaliyeed ee ku howlan arrimaha caafimaadka oo ay ka mid ahaayeen macallimiinta jaamicadaha caafimaadka dalka.

Qodobbada kasoo baxay shirka ayaa ahaa in la hagaajiyo maamulka iyo maareeyntiisa, istraatejiyadda iyo siyaasadda caafimaadka dalka, sharciyada caafimaadka, hoggaanka iyo in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA KALE:

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo soo xiray shirweynaha ayaa yiri: “Dowladdu ahmiyad gaar ah ayay siinaysaa tayeynta caafimaadka oo ah aasaaska nolosha iyo in dowladdu ay dhaqan-gelin doonto shanta qodob ee aad kasoo saarteen shirweynahan muhiimka ah.”

“Waxaan ballan-qaadeynaa wixii karaankeenna ah inaan ku kabno hooyada, canugga iyo waayeelka Soomaaliyeed inuu caafimaad helo iyo in qof waliba oo Soomaali ah uu meesha uu joogo ka helo meel uu daawo u doonto marka uu xanuunsado,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirweynahan ayaa ka mid ahaa shirweynayaasha ay dowladda Soomaaliya ku qabatay magaalada Muqdisho, kuwaasoo looga hadlayay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta arrimaha bulshada.

Ujeeddada shirarkan Qaran ayaa ah in shacabka laga qaybgaliyo tallooyinka muhiimka ah si ay dowladdu u dhaqan-geliso fikir walba oo ka yimaada dadka Soomaaliyeed oo ay khubaradii Soomaaliyeed falan-qeryeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News