
Axad, Nofember 10, 2013 (HOL) - Waxaa shalay oo Sabti ah dalka Britain ku geeriyoodey Alle ha u naxariistee Abwaan Sahal Macalin Ciise oo ka mid ahaa hal abuuriyaashii Soomaliyeed, isagoo 62-jir ah ku dhintay gurigiisa oo ku yaal duleedka magaalada London.
Abwaan Sahal Macallin Ciise ayaa fanka wuxuu kusoo biiray sideetamaadkii xiligaasoo uu ku sugnaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, waxaana horey uu ugu mid ahaa ciidamadii nabad-sugidda Soomaaliya. Sahal hawlihii nabad-sugidda wuxuu ku bedeshay dhanka hal abuurka suugaanta waxana lagu xasuustaa heeso badan oo qiime leh uu curiyey heesahaas oo ay kamid ahaayeen Hakaba Banaanshee, Berdihiiku yiilay isha baydhaba, Huburow iyo heeso kale oo aad u farabadan oo intooda badana uu ku luuqeeyo fanaanka caanka ah ee Xasan aadan samatar.
Abwaan Sahal alle hau naxariistee waxa uu ku dhahsya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay waxana waxbarashadiisi uu kusoo qaatay isla magaalada Baydhaba.
Abwaan Sahal waxaa uu ifka kaga tagay afar caruur iyo xaas. Bahda Hiiraan Online oo isku duuban waxa ay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay marxuum Sahal Macalin Ciise oo ku geeriyooday UK.


Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Malbourne, Australia