Go’aankii Mamnuucidda Qaadka UK oo horraanta Sannadka dambe dhaqan-galaya iyo Ganacsadata Qaadka Kenya oo Qareenno Qabsaday

Axad, 10 November 2013(HOL)—Sida aan kasoo xigannay wasaarada arimaha gudaha ee UK waxay Dowlada Ingiriisku ku  dhaqaaqday wejiga labaad ee joojinta qaadka ee wadan UK.

 

Xoghayaha Arrimaha Gudaha  Britain haweeneyda lagu magacaaboTheresa May ayaa qoraal u dirtay baarlamaanka kana codsatay in la dhaqangeliyo joojinta ama mamnuucista qaadka. Sida aan kasoo xigannay Simon Roseoo ah sarkaal ka tirsan ciidammada booliska oo loo xil saaray in ay la shaqeeyaan bulshaweynta soomaaliyeed, waxaa go’ aankan lagu wadaa inuu dhaqangalo bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2014ka

 

Dhanka kalena, ganacsatada qaadka ee Kenya ayaa 10 Milyan oo lacagta Kenya ah waxay ku kireysteen qareenno metela oo u dooda si aan loo joojin qaadka. Dhanka kalena waxaa UK booqan doona guddi ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo qaabilsan dhulka iyo beeraha, kaasi oo la kulmi doono xubno ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka Ingiriiska.

 

 

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Theresa May, ayaa horraantii sanadkan ku dhawaaqday inay dalkeeda ka mamnuucdayso qaadka ay isticmaallaan jaaliyaddaha ay Soomaalidu ka mid tahay ee deggan dalkaasi.

 

Qaadka ayaa noqonaya qeybta C ee noocyada mukhaadaraadka mamnuuca ka ah Britain, waxaana qofkii lagu helo uu muteysan doonaa ciqaaab adag. Theresa May ayaa sheegtay in go’aanka mamnuucista loo qaatay si loo ilaaliyo “xubnaha taagta daran ee ka midka ah jaaliyadaha ku nool Birtain”.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

More News