Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta la Filayo inay kulan ku yeeshaan Magaalada Nairobi

Axad, November 10, 2013 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Somalia iyo Kenya Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Marwo Aamina Maxamed Jibriil ayaa maanta la filayaa inay yeeshaan kulan muhiim ah oo looga wadatashanayo go'aan ay dawlada Kenya ku doonayso inay dib ugu celiso Soomaaliya qaxootiga nus-malyuunka ah ee ku jira xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxaana sidoo kale la filayaa in kulankan ay ka qaybgasho hay'ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Dawlada Kenya ayaa xoojisay cadaadiska ay saarayso Soomaalida qaxootiga ah ee ku dhaqan dalkeeda tan iyo markii ay dhaceen weeraradii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate, iyadoo habaynadii lasoo dhaafay hawlgallo ciidamada Kenya ay sameeyeen xabsiyada loo taxaabay boqollaal Soomaali ah oo isugu jira qaxooti iyo muwaadiniin.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya James Olelenko ayaa ku celceliyay in qaxootiga Soomaalida ah ay qayb ka yihiin xasilooni darrada ka taagan Kenya isagoo ku eedeeyay qaxootiga inay ku soo gabbadaan kooxaha weerarada ka gaysta Kenya.

Kulanka maanta ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha dibada ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa si wayn ugu dhagtaagaya qaxootiga Soomaalida ah oo qaar badan oo kamid ah ay walaac ka muujiyeen in Soomaaliya ay xilligan ku noqdaan iyagoo ka cabsi qaba in xasilloonada waddanka aan wali la isku hallayn karin.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii hore bilaabay wadatashiyo ku aadan qaabka ugu habboon ee qaxootiga Soomaalida ah dib u dejin loogu samayn lahaa dalkooda iyadoo arrintaasna ay qayb ka ahayd hay'ada UNHCR ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa ka digay hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo sheegay inaan si khasab ah qaxootiga dib loogu celin karin marka laga reebo cidii si iskeed ah ugu noqonaysa Soomaaliya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya

More News