
Axad, November 10, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, dad badana way ku dhaawacmeen ka dib markii galabta uu dabqabsaday xaafaddo isku raran ah oo ku taal xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.
Xaafadan isku raranka ah oo ay degan yihiin baracayaasha iyo dadkii dib uga soo noqday qaxootiyadii ayaa dabqabsaday, taas oo keentay inay boqolaal guri ku shuf beelaan, isla markaana hanti badan ku burburtay.
Halka qof ee ku geeriyooday ayaa ahayd Hooyo magaceedda la yidhaa Maryan Aadan Cabdi oo la sheegay inay xanuunsanaysey, isla markaana dadkii u dhowaa badbaadin kari waayeen illaa ay u geeriyootay.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo masuuliyiin dawladda ka tirsan ayaa usoo gurmaday guryahan gubtay, sidoo kale waxa iyaguna gurmada ka qaybqaatay ciidamada amniga iyo dabdamiska, iyagoo ay caawinayaan shacabka ku noqon xaafadan.
Xaafadan isku raranka ee dabku qabsaday ayaa la sheegay inuu dabkaasi burburiyey ilaa boqol guri iyo hantidii taalay, kuwaas oo iskugu jiray Buulal iyo sandaqaddo.
Illaa hadda lama sheegin waxa uu dabkaasi ka dhashay iyo wixii keenay,haseyeeshee wuxuu dabkaasi hoy tiray qoysas aad u badan oo danyar ah, kuwaas oo codsaday in loo soo gurmado.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland