4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Zenawi iyo Aragtida ay Dadweynaha Somaliland ka bixiyeen Geeridaas

Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Mxamuud (Siillaanyo) ayaa Itoobiya uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zenawi.

“Waxaan dadka Itoobiya iyo mandaqada geeska afrika uga tacsiyadaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Meles Zenawi, wuxuu ahaaa nin door weyn ku leh geeska afrika iyo Afrikaba guud ahaan,”ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo BBC-da la hadlayey, waxaanu sheegay inuu ilaalin jiray nabdgalyada geeska afrika.

“Itoobiya aad bay iskugu wanaagsanaayeen Somaliland ilaa wakhtigi Halganka, waana wadan weyn oo mar walba wax iskaga xidhan yihiin labadda umaddood, marka wada shaqaynta xaga nabadgalyada, siyaasada, hurumarinta, ganacsiga waa mid lagama maarmaan ah” ayuu raaciyey Siilaanyo Mar uu ka hadlayey xidhiidhka ka dhexeeya labadda dhinac.

Xafiiska Itoobiya ku leedahay Magaaladda Hargeysa ayaa iyaguna furay buug loogu baroordiiqayo geerida Meles Zenawi, waxaanu madaxweynuhu sheegay inuu buugaas soo saxeexayo, isla markaana uu ka qaybgali doono aaska loo samayn doono Ra’isal wasaraaha Itoobiya.

Dhinaca kale, waxa iyana magaaladda Hargeysa ka furan ilaa shan jaamacadood oo laga leeyahay dalka Itoobiya, kaas oo boqolaal arday wax ka bartaan, waxa kale oo jira arday farobadan oo waxbarasho u joogga Itoobiya iyo qaar waxbarasho bilaash ay siisay dawladda Itoobiya oo ciidamadda iyo shaqaalaha dawladda iskugu jira.

Haseyeeshee, Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan u arkay geeridaasi, qaar ka naxay iyo qaar soo dhoweeyeyba, haseyeeshee dadweynaha ayaa intooda badan sheegeen inuu Meles aad u taageeri jiray Somaliland, isla markaana Baasaboorka Somaliland ay si toos ah ugu gali jireen Itoobiya, iyadoo gaadiidka shacabka qaarkoodna waraaq ka qaadan jiray xafiiskooda Itoobiya ay ku tagi jireen ilaa Addis ababa, halka qaarkoodna ka  duuli jireen garoonka magaaladda jigjiga, iyadoo baryihii dambe wasiiraddu ay inta badan ka duuli jireen garoonkaasi Jiga Jiga ee Itoobiya, taas oo aanay wax dhibaato ah kala kulmi jireen, waxaanay sheegeen in  Ra’isal wasaarahaasi ahaa nin aad u yaqaan soomaalida oo aqoon badan u leh, iyagoo ka cabsi qaba ninka bedelo doona sida uu soomaalida ula dhaqmi doona.


Dhinaca kale, waxa ay sheegeen in Meles uu aad u taageeri jiray Sooomaalida Itoobiya, isla markaana u ogolaaday in deegaankooda maamulaan,mashaariic horumarineedna ka fuliyey, balse waxay tilmaameen in  haddii nin kale yimaado ay keenayso in guud ahaan soomaalida cadaadis iyo dhibaato u keeni karo, isla markaana horumarka ka socda deegaanka iyo isku socodka uu xumaan doono, iyadoo aad uga cabsi qaba haddii nin ka soo jeedda amxaarada ama Oromadu la wareego taladda aanay soomaalida u fiicnayn.

 Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar ayaa iyaguna Meles aad uga soo horjeestay markii uu ciidanka galiyey Somalia, kaas oo dhibaato badan ka geysteen koonfurta Somalia, iyadoo taariikhda markii ugu horaysay ee ciidanka Itoobiya ahi ay galaan caasimada Somalia, taasina ay ceeb ku ahayd ummaada Soomaaliyeed, iyagoo tilmaamaya inay aad uga xumaayeen ciidankaasi galay Somalia ee ilaa hadda ku jira.

Dadka qaar ayaa Aaminsan in geeridaas Meles Zenawi Itoobiya ku abuuri karto khilaaf hor leh iyo nabadgalyo daro, maadaama oo Meles ahaa nin awood iskugu haya qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Haseyeeshee, waxa la eegi doona cidda bedeli doonta iyo itoobiya siday ahaan doonto Meles dabadii.






Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland