4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Bandhig faneed loogu damaashadayey munaasabada Ciida oo Xeebto Liido fanaaniinta reer Muqisho ay ku soo bandhigeen (SAWIRRO)
fanka8.jpg

Talaado, August 21, 2012 (HOL) - Bandhiga faneedkan oo ahaa mid si weyn ay uga soo qeybgaleen  dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyey  wariyayaasha Muqdisho waxaana maalgalinayey hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO.

Bandhig faneedkan ayaa waxaa ka tumayey fanaaniinta Caasho Kiin , fanaannka reer Jabuuti Cabdi Helo , Axmed Roble Dayax , Karama iyo kuwo kale oo fara badan halka oo goob joog ka ahaa kabiirka kooxda qeylo dhaaan Cabdi Shire Jaamac.

Bandhig faneedka ayaa waxaa lagu dhigay maqaayad weyn oo ka soo horjeeda xeebta Liido oo lagu magacaabo “Liido Sea Food Resturant “ waxaana si weyn u yimid qeybaha bulshada magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinti ka soo qeybgashay bandhiga faneedkan ayaa waxaa ka mid ahaa Xoghayaha guud ee G/banaadir  Cabdi kaafi , gudoomiyaha degmada C/Casiis Fanax , Max’ed Cajib gudoomiyaha SYAO , Cabdi Shire Jamac iyo xubno caan ka dhex ah ururada bulshada rayidka G/Banaadir .

fanka6.jpg

Madaxdan oo madasha ka hadashay iyo qaban qaabiyayaasha ayaa dhamaantood waxeey sheegeen in maanta magaalada Muqdisho ay horumar gaar ah u tahay hadiiba lagu caweynayo xeebtii Liido oo lagu qabanayo Badndhig faneed.

Xoghayaha guud ee G/banaadir  Cabdi kaafi ayaa sheegay iney aad ugu mahad celinayaan ururka suuragaliyey barnaamijkan ee SYAO oo uu sheegay in had iyo goor  u taaganyahiin dhiiragalinta dhalinyarada iyo nabada .

Cabdi Shire iyo Max’ed Cajiib aya dhinacooda iyana sharxay muhimada uu leeyahay bandhigan ama show-gan , waxaana  uu Cabdi sheegay in uu maleysan waayey markii ay SYAO ku casuuntay barnaamijkaas laakin markii dambe uu indhahiisa ku arkay iyadoo xeebta lagu caweynayo waliba xili habeen ah .

“Hadafka show-gaan wuxuu ahaa  in caalamka la tuso Nabada Muqisho iyo in dhalinyarada is dhaxgalaan ayna u jiheystaan dhinaca nabada lana dagaalsanyihiin in loo isticnaalo dano diimeed ayaan ka leenahay kaliya “ayu yiri Cajiib.
 
Waa marki ugu horreysay oo magaalada Muqdisho ay fanaaniintu bandhig faneed ku qabtaan xeebta Liido waliba xilli habayn ah, taasoo aan suura gal ahayn xilliyadii ay magaalada joogeen Alshabaab.

fanka7.jpg
fanka.jpg
fanka3.jpg
fanka4.jpg
fanka2.jpg
fanka5.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya