4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kula kulay Muqdisho Safiirrada Yurub iyo Mareykanka

Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa maanta la kulmay safiirro ka socday dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in safiirrada ay kala hadleen horumarka nabadda ee Soomaaliya iyo caqabadaha jira, isagoo xusay inay fikrado kala duwan wadaageen kaddibna ay isla garteen in la dardar-geliyo howlaha socda, wax walba oo caqabad ah oo jirana nabad lagu xalliyo.

"Waxyaabihii aan waxaa ugu weynaa waxaa ka mid ahaa xidhibaannadii ay guddiga farsamadu soo celiyeen waxa ka dhalan kara, aragti mideysan ayaana arrintaas ka qaadannay," ayuu Shariif Sheekh ku sheegay hadal uu saxaafadda siiyay markii uu soo dhammaaday kulanka; inkastoo uusan sheegay in go'aankii xildhibaannada lasoo celiyay ay ka gaareen.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in sidoo kale ay ka hadleen sidii ay u dhici lahaayeen doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa shaqada harsan.

Shariif Sheekh wuxuu sheegay inay sidoo kale isla garteen in marxaladda ay gashay Soomaaliya ay lagama maarmaan tahay inay ka badalaato sidii hore ayna muujiso kalsooni dowladda dhexdeeda kalsooni shacabka Soomaaiyeed dhexdooda ah iyo in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa rajada shacabka.


Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in safiirradu ay soo dhaweeyeen heerka ay Soomaaliya joogto, iyagoo sheegay inaysan maleynayn in hal sano halkaas lagu soo gaari karo iyagoo sheegay inay aad u soo dhaweynayaan ayna taageerayaan howsha inay si wanaagsan u socoto.

"Mareykanka iyo Yurub waxay ka mid yihiin dowladaha ka qaybqaatay in howsha ay halkan soo gaarto, waxayna ku bixiyeen dhaqaale badan, iyagoo muujiyay inay ka go'an tahay inay taageeraan horumarka socda," ayuu yiri Sh. Shariif.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan oo isaguna warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan  sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada guddoonka baarlamaanka.

"Waxaan rajeynaynaa in howsha dhiman ay noogu soo dhameystirmaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana rajeynaynaa in Alle uu arrintaas noo fududeeyo si ay Soomaaliya uga gudubto halka ay taagan tahay meel muhiim ah ay ugu gudubto," ayuu yiri guddoomiyaha KMG ah ee Soomaaliya oo isaguna la hadlay saxaafadda.


Dhanka kale; madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh ayaa wuxuu uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Itoobiya geeridii ku timid ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, kaasoo u dhinay xanuun muddo ka hayay caloosha.

"Shacabka iyo dowladda Itoobiya waxaan uga tacsiyeynaynaa geeridii ku timid Meles Zenawi maadaama uu ahaa nin ka mid ah hoggaamiyeyaasha gobolka, sida la ogyahay marxalado kala duwan ayaan isla soo marnay, laakiin marxaladdii ugu dambeysay waxaan ahayn dad isku fiican oo dhinac kawada arka in geeska Afrika uu noqdo mid nabad ah, shacabkiisa iyo hoggaamiyeyaashiisna uu dhexmaro xiriir wanaagsan," ayuu yiri Shariif Sheekh.

Beesha caalamka ayaa dhawaanahan waxay dadaal ugu jireen sidii ay u dardar-gelin lahaayeen howlaha Soomaaliya ay uga baxayso xilliga KMG ah, iyagoo soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya