Talaado, August 21, 2012 (HOL) - Xarakada Alshabaab ayaa ku tilmaantay geerida Ra'iisul wasaarihii Itoobiya inay tahay maalin taariikhi ah.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dhimashada Zenawi. "Aad ayaan ugu faraxsannahay geerida Meles' , Itoobiya hadda ayay burburaysaa ," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya inay kala burburi doonaan.
Dhanka kalana magaalada Nairobi oo ay ku noolyihiin kumanaan Soomaali ah ayaa laga dareemayaa farxad goobaha qaar, gaar ahaana meelaha ay ku suganyihiin dadweynaha kasoo qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
Xaliimo Maxamed oo dukaan ku gadata xaafada Islii, kana soo qaxday gobolka Soomaali galbeed oo la hadashay Hiiraan Online ayaa sheegtay inay u tahay maalin farxadeed.
Xaliimo ayaa sababta ku sheegtay in ciidamada Zenawi ay kasoo qaxiyeen deegaankaadii ayna dileen qaar badan oo kamid ah qaraabadeeda ayadana jirdil loo gaystay kahor inta aysan Kenya uu soo qaxin.
Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee ku dhaqan Nairobi oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in geerida Meles Zenawi ay fursad u tahay Soomaalida ayna ku heshiin karaan, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa caqabada hortaagnayd is faham dhex mara dadka Soomaaliyeed.
Waxaana uu ugu baaqay Soomaalida ku nool gudaha dalka iyo kuwa Soomaali galbeedba inay ka faa'iidaystaan fursadan taariikhiga ah oo uu sheegay inay tahay mid aan markale soo mari doonin.
Ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi ayaa la
shaaciyay maanta oo Talaado ah inuu u geeriyooday xanuun daran oo uu
isbitaal ugu jirtay tan iyo bishii July ee sannadkan.
Telefishinka Itoobiya ayaa laga sheegay in xilka
ra'iisul wasaarenimo ee Itoobiya uu si KMG ah u haynayo ra'iisul wasaare
ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Hailemariam
Desalegn.
Zenawi ayay Soomaalidu ku xasuustaan inuu ahaa hogaamiyihii suuragaliyay in ciidamada Itoobiya ay gudaha u galaan caasimada Soomaaliya markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya sannadkii 2006-dii, taasoo kordhisay nacaybka ay Soomaalidu u hayeen.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Ururka Alshabaab iyo Qaar ka mid ah Shacabka Soomaalida oo soo dhaweyay geerida Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi
More News
- Laba boqol oo tahriibayaal ah oo laga soo qabtay deegaanka Shinbiraale ee duleedka Magaalada Boosaaso
- Youtube: Dhaartii Xildhibaanada Soomaaliyeed
- Kulankii Xidhibaannada Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabay Guddiga diyaarinta Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeennadiisa
- Afhayeenka Dowladda Itoobiya oo sheegay in Ciidamadooda ay sii joogayaan Somalia Siyaasadoodana aysan waxba iska bedelayn
- Isbahaysiga Turxaan-bixinta Somalia ee IFISO oo ka bixidda Xilliga KMG ku tilmaamay mid horseedaya Isbedel Waara
- Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Zenawi iyo Aragtida ay Dadweynaha Somaliland ka bixiyeen Geeridaas
- Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kula kulay Muqdisho Safiirrada Yurub iyo Mareykanka
- Arday ka badan 1,400 oo Maanta u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho
- Madaxweynaha Dhawaan loo doortay Maamulka Galmudug oo Magacaabay Qaybtii ugu horreysya Golihiisa Wasiirrada
- Bandhig faneed loogu damaashadayey munaasabada Ciida oo Xeebto Liido fanaaniinta reer Muqisho ay ku soo bandhigeen (SAWIRRO)
- Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka oo soo dhaweeyay Dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inaan la Aqbali doonin Maleeshiyo ku saleysan Beelo iyo Ururro Diimeed
- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maanta yeelanaya Kulankoodii labaad oo lagu Magaacabayo Guddi Doorasho
- Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo u geeriyooday xanuun mudo hayay