4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Laba boqol oo tahriibayaal ah oo laga soo qabtay deegaanka Shinbiraale ee duleedka Magaalada Boosaaso


Talaado, August 21, 2012(HOL): Ciidamada la dagaalanka tahriibta ee gobolka Bari, ayaa howgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Shinbiro oo qiyaastii 30km dhinaca bariga magaalada Boosaaso kaga beegan, waxay kusoo qabteen tahriibayaal ay tiradoodu 200 ku dhowdahay iyo weliba gaadiid badeedkii ay ku safrayeen.

Dadkan oo intooda badani ay Itoobiyaan yihiin, qaar Soomaali ahina ay ku jiraan, waxaa la keenay dekedda magaalada Boosaaso, waxaana warbaahinta usoo bandhigay kana warbixiyey qaabkii loo soo qabtay taliska Booliska ee gobolka Bari.

Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow) oo ah taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari oo gudaha dekedda war-fidiyeenada kula hadlay, ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay Boolisku deegaankaas u dhaqaaqeen, kadib markii ay ka warheleen in doomo dad tahriib ah qaadayaa ay halkaas ka baxayaan.

Wuxuuna intaas ku daray in ay gacanta kusoo dhigeen dhamaan dadkii tahriibayaasha ahaa iyo laba doomood oo nooca yar yar ah oo ay saarnaayeen, haseyeeshee ay baxsadeen raggii mukhalisiinta ahaa ee wax tahriibinayey, welina ay Boolisku ku raad joogaan.


"Xalay saqdii dhexe ayey meesha ciidamadu ku bexeen, tahriibayaasha dhamaantood iyo gadiidkiiba waa lasoo qabtay, waxaase baxsaday kuwii wax tahriibinayey, sababtuna waxay ahayd xiliga oo habeen ahaa iyo deegaanka oo ah meel buuraley ah" taliyaha Booliska gobolka Bari ayaa yiri.

Tahriibayaasha qaarkood oo ay diif badani ka muuqatey, islamarkaana ay ku jiraan dumar ay qaarkood uur leeyihiin, ayaa HOL u sheegay in ay ku sii jeedeen dalka Yemen, si ay ugaga sii gudbaan dalka Sucuudiga, oo ay rumeysan yihiin inay ka heli doonaan shaqooyin fiican iyo weliba nolol  dhaanta middii ay dalalkoodii hooyo kaga soo tageen.

Duleedka magaalada Boosaaso waxaa horay ugu oollaan jirey goobo caan ah oo ay dadka tahriibta ahi ka baxaan, haseyeeshee dadaalo badan oo ay dowlada Puntland sameysey ayaa suurtagal ka dhigay in ay aad hoos ugu dhacaan safarada ay tahriibayaasha Yemen kusii jeedaa xeebaha Boosaaso kaga tagaan.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia