Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Afhayeenka dowladda Itoobiya ahna wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta, Bereket Simon ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya aysan la baxayn, sidoo kalena aysan bedeli doonin siyaasadooda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.
Simon oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay inay la tahay in Soomaaliya ay kala dhexeysay kala dhexeysay iskaashi wax wada qabsi, isagoo intaas ku daray inay caawiyeen walaalahooda Soomaaliyeed rag iyo dumar, ayna sii wadayaan caawinaaddaas si ay u miro-dasho.
"Ciidamada Itoobiya ma sii joogayaan Soomaaliya weligood, waxayna halkaas u joogaan inay caawinayaan walaalaheen Soomaaliyeed si ay u gaaraan deggenaasho weyn iyo nabad, waana ku faraxsannahay horumarka hadda ka socda Soomaaliya," ayuu yiri Simon.
Afhayeenku wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay Soomaaliya ku taageeraan horumarka muuqda iyo caalamadaha rajada leh ee muuqda, ciidamadeennuna way ku taageerayaan horumarkaas illaa inta ay awoodaan.
Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo gacan ka siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay faragelinta milateri ee dhowrka jeer uu ku sameeyay Soomaaliya, kuwaasoo uu ku caawinayay dowladihii Soomaaliya soo maray oo dagaallo kula jiray xoogag Islaamiyiin ah.
Dhanka kale, Maxamed Cismaan Caruus oo ahaa afhayeenkii ururkii Xisbul Islaam oo ku biiray ku biiray Al-shabaab sannadkii 2010 ayaa sheegay inay geerida Zenawi soo dhaweynayaan, isagoo ku tilmaamay inuu Soomaaliya ku ahaa kaankaro.
Afhayeenka Itoobiya wuxuu sheegay in Zenawi maanta gallinka dambe la keeni doono Addis Ababa, inkastoo uusan sheegin xilliga la aasayo, waxaana dalkaas looga dhawaaqay baroor-diiq socon doonta inta laga aasayo Meles Zenawi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Afhayeenka Dowladda Itoobiya oo sheegay in Ciidamadooda ay sii joogayaan Somalia Siyaasadoodana aysan waxba iska bedelayn
More News
- Laba boqol oo tahriibayaal ah oo laga soo qabtay deegaanka Shinbiraale ee duleedka Magaalada Boosaaso
- Youtube: Dhaartii Xildhibaanada Soomaaliyeed
- Kulankii Xidhibaannada Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabay Guddiga diyaarinta Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeennadiisa
- Isbahaysiga Turxaan-bixinta Somalia ee IFISO oo ka bixidda Xilliga KMG ku tilmaamay mid horseedaya Isbedel Waara
- Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Zenawi iyo Aragtida ay Dadweynaha Somaliland ka bixiyeen Geeridaas
- Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kula kulay Muqdisho Safiirrada Yurub iyo Mareykanka
- Arday ka badan 1,400 oo Maanta u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho
- Madaxweynaha Dhawaan loo doortay Maamulka Galmudug oo Magacaabay Qaybtii ugu horreysya Golihiisa Wasiirrada
- Bandhig faneed loogu damaashadayey munaasabada Ciida oo Xeebto Liido fanaaniinta reer Muqisho ay ku soo bandhigeen (SAWIRRO)
- Ururka Alshabaab iyo Qaar ka mid ah Shacabka Soomaalida oo soo dhaweyay geerida Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi
- Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka oo soo dhaweeyay Dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inaan la Aqbali doonin Maleeshiyo ku saleysan Beelo iyo Ururro Diimeed
- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maanta yeelanaya Kulankoodii labaad oo lagu Magaacabayo Guddi Doorasho
- Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo u geeriyooday xanuun mudo hayay