Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay guul la gaaray, iyadoo Mareykanka uu sheegay inuusan u dulqaadanayn cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso howlaha siyaasadeed ee Soomaaliay.
Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha dalka Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga ayaa sheegay in dadaal badan oo odayaasha dhanka iyo guddiga farsamadu ay sameeyeen lagu gaaray guushan, isagoo u diray hambalyo xildhibaannada cusub.
"Taallaabadan taariikhiga ah ee la qaaday waxay dhabaha u xaaraysaa ka bixitaanka xilliga KMG ah ee Soomaaliya," ayuu yiri Mahiga oo sheegay in xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya inay yihiin kuwo matalaya dhammaan beelaha Soomaaliyeed, isla markaana si wanaagsan loo baaray aqoontooda haddana ay diyaar u yihiin inay howshooda muhiimka ah billaabaan.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in baaritaannada lagu sameeyay xildhibaannadan ay ka mid yihiin heerkooda waxbarasho ee jaamacadeed, khibraddooda shaqo iyo in la dhameystiray tirada horay loogu qoondeeyay haweenka oo 30% ahayd.
Danjire Mahiga wuxuu sheegay in dhaarinta xildhibaannada ay soo afjarayso howl 12-kii bilood ee lasoo dhaafay loogu jiray in Soomaaliya looga saaro xaaladda ay ku jirto ee KMG ah, loona gudbo xalaad taas ka duwan, isagoo xusay inay maamaha soo socda dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeenno.
"Soomaaliya waxay muddo 20-sano ka badan kusoo jirtay dagaallo sokeeye oo aad u fool xun. Hadda waxaa loo dhaariyay xidhibaanno aqoon leh, kuwaasoo diyaar u ah inay Qarankooda u shaqeeyaan," ayuu danjire Mahiga hadalkiisa kusoo xiray.
Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa ku sheegtay war kasoo baxay aqalka cad inaan loo dulqaadan doonin cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda, iyagoo soo dhaweeyay dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamaanka.
Afhayeenka aqalka cad, Jay Carney ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed inay tirada ka dhiman baarlamaanka kusoo dhameystiraan muddo yar gudaheed, iyadoo shalay la dhaariyay 211 mudane.
"Waxaan eegaynaa in baarlamaanka cusub inuu dhameystiro howlaha dhiman," ayuu yiri Carney, iyadoo qoraalka aqalka cad lagu sheegay inaan la aqbali doonin in fara-gelin lagu sameeyo howlaha siyaasadda Soomaaliya.
"Cid kasta oo isku dayda inay caqaladeyso hannaanka siyaasadeed uma dulqaadan doonno," ayuu hadalkiisa raaciyay isagoo ku boorriyay dhinayada siyaasadda Soomaaliya oo dhan inay ku shaqeeyaan si cadaalad ah oo ku saleysan isla xisaabtan.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxay maanta yeelanayaan kulankoodii labaad oo ay ku dooranayaan guddoomiye cusub iyo ku xigeennadiisa kuwaasoo si rasmi ah howsha dalka oo dhan ula wareegaya inta laga soo dooranayo hoggaan cusub.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka oo soo dhaweeyay Dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
More News
- Laba boqol oo tahriibayaal ah oo laga soo qabtay deegaanka Shinbiraale ee duleedka Magaalada Boosaaso
- Youtube: Dhaartii Xildhibaanada Soomaaliyeed
- Kulankii Xidhibaannada Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabay Guddiga diyaarinta Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeennadiisa
- Afhayeenka Dowladda Itoobiya oo sheegay in Ciidamadooda ay sii joogayaan Somalia Siyaasadoodana aysan waxba iska bedelayn
- Isbahaysiga Turxaan-bixinta Somalia ee IFISO oo ka bixidda Xilliga KMG ku tilmaamay mid horseedaya Isbedel Waara
- Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Zenawi iyo Aragtida ay Dadweynaha Somaliland ka bixiyeen Geeridaas
- Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kula kulay Muqdisho Safiirrada Yurub iyo Mareykanka
- Arday ka badan 1,400 oo Maanta u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho
- Madaxweynaha Dhawaan loo doortay Maamulka Galmudug oo Magacaabay Qaybtii ugu horreysya Golihiisa Wasiirrada
- Bandhig faneed loogu damaashadayey munaasabada Ciida oo Xeebto Liido fanaaniinta reer Muqisho ay ku soo bandhigeen (SAWIRRO)
- Ururka Alshabaab iyo Qaar ka mid ah Shacabka Soomaalida oo soo dhaweyay geerida Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inaan la Aqbali doonin Maleeshiyo ku saleysan Beelo iyo Ururro Diimeed
- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maanta yeelanaya Kulankoodii labaad oo lagu Magaacabayo Guddi Doorasho
- Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo u geeriyooday xanuun mudo hayay