Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamul gobolleedka Galmudug Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhawaaqay golle wasiiro cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug.
Gollaha wasiirrada oo loo dhaariyay xilka loo magacaabay ayaa waxaa ka mid ah wasiirrka maaliyada iyo lacagta Dr C/wali Shiikh Cali, wasiirrka kaluumeysiga C/qaadir Jaamac Cali ‘’Qalab Xoor’’ wasiirrka warfaafinta Axmed Max’ed Xassan ‘’Baasto’’ iyo wasiirrka caafimaadka C/llaahi Cilmi Xassan
Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid ayaa dhowr cisho ka hor waxaa uu baarlamaanka maamul gobolleedka Galmudug u doortay in uu madaxweyne ka noqdo maamulka Galmudug, xili uu dalka dibada uga maqnaa madaxweye Max’ed Axmed Caalin.
Mar uu ka hadllayay Caalin sida uu arko doorashada madaxweynaha Galmudug iyo magacaabista gollaha wasiirrada cusub waxaa uu sheegay in ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah oo la doonayo ayuu yiri in lagu bur buriyo jiritaanka maamulka Galmudu, isaga oo arinta ku eedayay in ay ka danbeeyaan sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad danbilayaal ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Madaxweynaha Dhawaan loo doortay Maamulka Galmudug oo Magacaabay Qaybtii ugu horreysya Golihiisa Wasiirrada
More News
- Laba boqol oo tahriibayaal ah oo laga soo qabtay deegaanka Shinbiraale ee duleedka Magaalada Boosaaso
- Youtube: Dhaartii Xildhibaanada Soomaaliyeed
- Kulankii Xidhibaannada Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabay Guddiga diyaarinta Doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeennadiisa
- Afhayeenka Dowladda Itoobiya oo sheegay in Ciidamadooda ay sii joogayaan Somalia Siyaasadoodana aysan waxba iska bedelayn
- Isbahaysiga Turxaan-bixinta Somalia ee IFISO oo ka bixidda Xilliga KMG ku tilmaamay mid horseedaya Isbedel Waara
- Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Zenawi iyo Aragtida ay Dadweynaha Somaliland ka bixiyeen Geeridaas
- Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kula kulay Muqdisho Safiirrada Yurub iyo Mareykanka
- Arday ka badan 1,400 oo Maanta u fariistay Imtixaanka Ogolaashaha ama Aqbalaadda Waxbarasho ee Jaamacadda Muqdisho
- Bandhig faneed loogu damaashadayey munaasabada Ciida oo Xeebto Liido fanaaniinta reer Muqisho ay ku soo bandhigeen (SAWIRRO)
- Ururka Alshabaab iyo Qaar ka mid ah Shacabka Soomaalida oo soo dhaweyay geerida Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi
- Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka oo soo dhaweeyay Dhaarinta Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inaan la Aqbali doonin Maleeshiyo ku saleysan Beelo iyo Ururro Diimeed
- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maanta yeelanaya Kulankoodii labaad oo lagu Magaacabayo Guddi Doorasho
- Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo u geeriyooday xanuun mudo hayay