Xildihbaanadii kulanka maanta xaadiray oo tiradoodu ahayd 184 ayaasnay jirin cid kasoo horjeesatay guddiga, waxaana xubnaha guddigan lagu soo xulay qaab 4.5 ah, iyadoo shanta beelood ee uu middiiba ka yimaadeen saddex xubnood oo isugu jira rag iyo dumar.
Xubnaha guddiga ayaa waxay kala yihiin:
- Ciise Maxamed Cali
- Feysal Cumar Guuleed
- Caadil Sheegoow Sagaar
- Maxamed Warsame
- Maxamed Ismaaciil
- Xasan Macalin Xuseen
- Cismaan Libaax
- Nuur Iidoow Beyle
- Maxamed Maxamuud Guure
- Ciise Maxamuud
- Sahro Jaamac Cali
- Caasho Xaaji Cilmi
- Khadiijo Maxamed Diiriye
- Fowsiyo Maxamed Sheekh
- Sahro Cabdulqaadir
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo xalay ka dhaariyay ayaa wuxuu bedelayaa baarlamaankii KMG ah ee ka horreeyay kaasoo ka koobnaa 550-xubnood, ayna aad ugu yaraanyeen xildhibaannada haweenka ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya