4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi oo u geeriyooday xanuun mudo hayay
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii Itoobiya, Meles Zenawi ayaa la shaacisay maanta oo Talaado ah inuu u geeriyooday xanuun daran oo uu isbitaal ugu jirtay tan iyo bishii July ee sannadkan.

Zenawi oo 57-jir ahaa ayaa xukumayay Itoobiya muddo 20-sano ah ayaa waxaa xanuunkiisa la dareemay markii uu ka baaqday kulankii Midowga Afrika ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaasoo doortay hoggaamiye cusub loogu doortay wasiiraddi arrimaha gudaha dalka Koonfur Afrika.

"Inkastoo ay Itoobiya saameyn xooggan ku yeelanayso geerida hoggaamiyahooda weyn, Meles Zenawi; haddana waxaa ka go'an inay siyaasaddeeda iyo daneeda xoojiso," ayaa lagu yiri war laga sii daayay telefishinka Itoobiya.


Zenawi ayaa tan iyo bishii July ee sannadkan yaallay isbitaal ku yaalla dalka Belgium halkaasoo looga daweynayay xanuun culus. Geeridiisa ayaa timid kaddib iyadoo uu afhayeenka dalkaas sheegay saddex toddobaad ka hor in xaaladda caafimaad ee Zenawi ay tahay mid aad u wanaagsan.

Telefishinka Itoobiya ayaa laga sheegay in xilka ra'iisul wasaarenimo ee Itoobiya uu si KMG ah u haynayo ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Afhayeenka Itoobiya, Bereket Simon ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo cudurka uu u dhintay iyo xilliga uu geeriyooday, isagoo ku gaabsaday inuu geeriyooday oo keliya.

Wararka ka madaxbannaan dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in Zenawi uu ku jiray isbitaal ku yaalla dalka Belgium, uuna aad uga xanuunsanayay caloosha, inkastoo ay jireen warar kale oo sheegaya inuu kansar ka galay maskaxda.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo fara badan oo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya sidii ay Al-shabaab uga adkaan lahayd, iyadoo aan la ogeyn saameynta ay geeridiisa ku yeelan karto ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan.

Meles Zenawi ayaa wuxuu inta badan ka hadli jiray arrimaha Soomaaliya, isagoo ku sheegay hadalkiisii ugu dambeeyay in ciidamada Itoobiya ay sii joogayaan gudaha dalka Soomaaliya inta loo dhisayo Soomaaliya dowlad adag oo iska difaaci karta weerarrada kaga imaanaya Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya