4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inaan la Aqbali doonin Maleeshiyo ku saleysan Beelo iyo Ururro Diimeed
Talaado, Ogoosto 21, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in marnaba la qabli doonin maleeshiyo ku saleysan beelo iyo ururo diimeed ka sameysma magaalada Baladweyne.

Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Hiiraan go’aan cad ka qaatay sugida amaanka, waxaana uu farta ku fiiqay in maleeshiyada beelaha iyo urura diimeedku leeyihiin la oran mar walba waa kuwo halis ku ah nabad-galyada iyo nidaamka dowladnimada.

"Maamulka gobollka Hiiraan waxaa ka go’an in la dagaallamaan cid kasta oo lid ku ah nabad-galyada, gaar ahaan waxaa ka digeynaa in la sameeyo maleeshiyo beeleed u abaabulan hab qabiil ama salka ku haya ururo diimeed ayuu yiri,’’ guddoomiyaha maamulka Hiiraan.

Bulshada gobollka ayuu ugu baaqay in ay gacan mug leh ka geystaan sidii loo sugi lahaa amaanka, iyaga oo wada shaqeyn buuxda la yeelanaya ciidamada baliiska ka howlgala magaalada Baladweyne.

"Iskaashi iyo wada shaqeyn dhaxmarta ciidamada ciidamada baliiska iyo bulshada qeybaheeda kala gadisan waa dhabaha kaliya ee loo mari karo in la soo celiyo amaanka, haddii aysan ciidamadu wada shaqeyn buuxda ka helin bulshada inteeda kale wey adag tahay in ay wax badan ka qabtaan amaanka, sidaa daraadeed waa inay shacabku la shaqeeyaan ciidamada baliiska," ayuu yiri C/fitaax Xasan.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in wixii hadda ka danbeeyay bulshada gobollku si toos ah uga heli doonaan magaalada Baladweyne Basaboorka dowladda Soomaaliya, halkii ay markii hore u tagi jireen halista Basaboorka qeybaha kale ee dalka sida magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee  ku aadan sugida amaanka ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay siyaabo kala duwan magaalada Baladweyne loogu dillay dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya