Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono toddobadka soo socda, kaddib markii Isniintii toddobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Prof. Jawaari ayaa sheegay in go'aankan ay gaareen guddoonka baarlamaanka ayna gaarsiiyeen xildhibaannada baarlamanka, balse si rasmi ah uma uusan sheegin halka ay ka dhacayso xaflada caleemo-saarka ah.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo caleemo-saarkiisa kaddib si rasmi ah ula wareegi doona talada dalka ayaa wuxuu wajahayaa howl adag, kuwaasoo ay ka mid tahay sugidda amaanka iyo dib u dhiska dalka.
Caleemo saarka ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan wufuud kala duwan oo ka socda caalamka, iyadoo caleemo saarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca Sooamaaliya muddo afartameeyo sano ka badan.
Sidoo kale, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa noqonaya kii saddexaad oo uu si xor u soo doorteen xildhibaannada Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 1967-kii oo baarlamaankii xilligaas uu madaxweynaha dalka u doortay C/rashiid Cali Sharma'arke.
Dalka Soomaaliya ayaa ka baxaya xilli KMG ah oo muddo 21 sano ay kusoo shaqeynayeen dowladihii soo maray oo ay hareeyeen muran, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay rajeynayaan in dowladdan ay noqoto middii dalka u horseedi lahayd horumar iyo barwaaqo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Madaxweynaha cusub la caleemo saari doono Todobaadka soo socda
More News
- Somalida ku nool South Africa oo si wadajir ah u taageey Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka
- Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
- Madaxweynaha Itoobiya oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay Xasan Sheekh Maxamuud
- Al-shabaab oo kasoo horjeestay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sheegtayna inay dagaalka sii wadayso
- Qaraxyo ay Mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo lagu weeraray Hoteel uu Muqdisho ka deggen yahay Madaxweynaha Soomaaliya
- Xiisad dagaal oo ka taagan Goobihii ay shalay ku dagaalameen Ciidamada, Kenya iyo Al-shababa ee Gobolka Jubbada Hoose
- Kulan dhexmaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Madaxweynihii DKMG ahayd iyo Afhayeenka Baarlaamanka Somalia
- Dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Qarax ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir