4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Dibadbax ay ka qeybgaleen dad qaybaha bulshada ka kooban, isla markaana lagu teegeerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Max’uud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka isku soo baxay oo sitay sawirka madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud ayaa ku qeylinayay erayo ay ku taageerayaan doorashadii Isniintii ina dhaaftay ka dhacday magaalada Muqdisho iyo guusha uu gaaray madaxweynaha cusub.

Dadkii ka qeyb-qaatay dibadbax ayaa waxaa la hadllay mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo ay ka mid ahaayeen duqa degmada Baladweyne Max’ed Xassan Nuuriye iyo afhayeenka maamulka gobollka Max’ed Nuur Caga-joof.

Labada mas’uul ayaa sheegay in Soomaaliya cagta saartay wadadii nabad-galyada iyo dimuquraadiyada, madaama sida ay hadalka u dhigeen 42 sano kadib bulshada Soomaaliyeed ku guuleysteen in ay madaxdooda ku doortaan gudaha dalka Soomaaliya.


"Waxaan halka bogaadin uga direynaa guddoonka baarlamaanka, xildhibaannada, iyo madaxweynaha cusub, waxaan leenahay hanbalyo, mas’uuliyad ayaad qaadeen, waa in aad la timaadaa is badal cusub, horayna u sii dhaqaajisaa howlaha idin hore yaala,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay dadkii isku soo baxay.

Dadweynaha qaarkood oo ay HOL la hadashay ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud, iyaga oo ka rajeeyay dhameystirka howlaha qabyada ah ee hor yaala, gaar ahaan wax ka qabashada nabad-galyada.

Marka laga soo  tago dibadbaxa sidoo kale waxaa magalaada gaaf-wareegayay gadiid lagu soo xiray codbaahiye, kuwaasoo tabinayay sugaan wadani ah, dadkana ku boorinayay in ay la shaqeeyaan dowladda cusub ee Soomaaliya.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya