4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Somalida ku nool South Africa oo si wadajir ah u taageey Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka

Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen ganacstada Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa waxa kasoo qayb-galay bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaasoo damaashaad iyo dabaal-dagyada kasoo billaabay illaa Bellville oo ah xaafad ay Soomaalida u badan tahay.

Munaasabadani oo ahayd tii ugu horreysay oo lagu soo dhaweynayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ee lagu qabtay magaalada Cape town ama guud ahaan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka hadlay Soomaali fara badan oo dalkaas ku nool.


Taliyaha booliiska deegaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville iyo madax sare oo ka socota xisbiga Talada dalka Koonfur Afrika haya ee ANC ayaa ka mid ahaa xubnihii ka qaybalay munaasabadan, iyagoo ku bogaadiyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo guud ahaan baarlamaanka dhawaan shaqadiisa bilaabay.

Habeen hore ayay ahayd markii la doortay madaxweynahay Soomaaliya kaasoo dabaal-deg loogu sameynayay Koonfur Afrika uu ku geeriyooday hal qof ayna ku dhaawacmeen afar kale oo haweeney ay ku jirto, waxayna dhammaantood wax ku noqdeen shil gaari oo ka dhacay degaanka Bellville ee Magaalada Cape Town.




Maxamed Deeq Muuse Nuur
[email protected]
Cape Town, South Africa