4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdisho


Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen illaa 400-ruux oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mas'uuliyiintii dowladdii hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa'uddiin, dhallinyaro, odayaal dhaqameedyo iyo haween.

Munaasabadan oo ahayd tii u horreysay nooceeda oo ka dhacda Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD, taasoo ay halku dhig uga dhigtay soo dhaweynta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo sidii loola shaqeyn lahaa.

Guddoomiyaha haya'dda CCD, Ciise Axmed Cumar ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in doorasho taariikhi ay ahayd muddo 42-sano kadib in Soomaaliya lagu doorto madaxweyne Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxa CCD wuxuu sheegay in madaxweynaha cusub uu ka yimid bulshada rayidka, isla markaana ay taageerayaan, isagoo intaas ku daray inay la shaqeyn doonaan dowladda cusub ee uu soo dhisi doono, waxaana uu ku amaanay baarlamaanka Soomaaliyeed sida ay u doorteen nin aqoonyahan ah oo aan saameyn ku laheyn burburkii dalka ka dhacay.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay Is bedel siyaasadeed, isagoo xusay muddo 45-sano ah.

"Inaan xurmeyno, inaan soo dhoweyno oo aan taageerno madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waa isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay muddo 45-sano ah, waa madaxweynihii saddexaad ee si dimuqraadi ah loogu doorto Muqdisho tan iyo sannadkii 1967-kii, madaxweynihii hore C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa halkan lagu doortay," ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Prof. Geeddi ayaa ku ammaanay dowladii hore inay taaba-gelisay halgan badanna u gashay sidii Muqdisho ay doorasho uga dhici lahayd, isla markaana 25-musharax ay u tartameen tartanka hoggaanka qaranka, isagoo xusay in laga dhex-doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waa u hambalyeyneynaa, nuxurka wanaagsan ee Munaasabada waa soo dhoweyn, marxabeyn iyo taageero, waa cusub ayaa u baryay Soomaaliya, Dowladihii KMG waa laga gudbay, Dowlad Soomaaliyed oo Buslahdeeda u adeegeysa ayaa timid"ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku ammaanay Hey'adda Wada hadalka Bulshada CCD sida ay u soo qaban qaabisay Munaasabadan.

Iimaam Maxamed Yuusuf ayaa Munaasabada ka jeediyay hadalo dar-daaran iyo duco, isagoo Madaxweynaha u rajeeyay inuu xilkiisa Alle kula garab-galo, isla markaana shacabka Soomaaliyed ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub.

C/llaahi Geedi Shadoor oo ahaa Xildhibaan hore ayaa ku tilmaamay doorashadii Madaxweynaha ee ka dhacday Muqdisho mid si cadaalad ah ku timid, isla markaana shaqsi karti iyo aqoon leh ay u doorteen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax oo u hadlay Bulshada rayidka ayaa sheegay in heer fiican oo lagu faani karo la soo gaarsiiyay xaalada dalka ku jiro, isla markaana dowladdii hore ay suura gelisay in Muqdisho ka dhacdo doorasho xalaal ah.

Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheer) ayaa sheegay in Dr. Xasan Sheekh ay Soomaali dooratay, isla markaana Soomaali garab uga baahan yahay, waxaana uu sheegay inuu soo dhoweynayo Madaxweynaha cusub, isagoo ammaanay Madaxweynihii hore sida sharafta leh uu ku wareejiyay xilka.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka tirsan Odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya loo doortay Hogaan is bedel doon ah, oo ku yimid si cadaalad, isagoo ugu baaqay inuu shacabka Soomaaliyed samata bixiyo.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabada Madiino Caamir oo sheegtay in Haweenka la'aantood aanay Dowladda dhaqaaqi karin, isla markaana ay taageerayaan Madaxweynaha cusub hadii ay yihiin Haweenka Soomaaliyed.

Dr. Axmed Maxamuud Wehliye Xeji ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub uu yahay nin aqoon leh oo hogaamin kara dalka, isla markaana ay ku taageerayaan xilka qaran ee loo igmaday, uuna yahay Madaxweynihii labaad oo Soomaaliya soo mara oo ku dhashay Gobolka Hiiraan sida uu yiri.

Ugu dambeyn Munaasabadan taageerada aheyd oo isugu jirta mid qado iyo Khudbado ay jeediyeen dadweynihii ka soo qeyb galay, waxaana ay ku soo gaba gabowday Munaasabada jawi wanaagsan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya