Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu qarax xooggan ka dhacay xaafadda Jiira-garoob ee degmada Yaaqshiid, kaasoo haleelay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaan la ogeyn cid meesha gelisay, iyadoo dadka ku dhintay uu ku jiray darawalkii waday gaariga rakaab ee uu qaraxu qabsaday, waxanaa goobta gaaray ciidamada dowladda oo baaritaanno sameeyay.
"Gaariga uu qaraxu qabsaday wuxuu ahaa Mini-bus dadweynuhu ay raacaan, waxaa dhintay shan qof oo isugu jiray darawalkii gaariga, saddex rakaab ah iyo qof dhulka joogay, waxaana dhaawacmay sideed qof oo kale," ayuu yiri goobjooge ku suganaa halka uu qaraxu ka dhacay.
Xaafadda uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla goobo ganacsi oo ay dadku wax ku kala iibsadaan, iyadoo dadka dhaawacmay iyo kuwii dhintay ay ku jireen dadkii goobahaas ganacsi ka adeeganayay.
Goobjoogayaal ay HOL la hadashay ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan oo ka qarxay jidka dhiciniisa, iyadoo aysan jirin cid sheegatay illaa iyo hadda inay ka dambeysay qaraxaas.
Dhaawacyadii ka dhashay qaraxa oo qaarkood ay aad u liitaan ayaa waxaa goobta ka qaaday gaadiid ay ciidamada dowladdu leeyihiin, kuwaasoo geeyay isbitaallada Muqdisho ku yaalla.
Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax lala beegsado gaari rakaab, balse dhowr jeer oo hore ayay dhaceen kuwo la mid ah falkan, mana jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan qaraxa saakay lagu dilay dadka shacabka ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Qarax ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir
More News
- Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Madaxweynaha cusub la caleemo saari doono Todobaadka soo socda
- Somalida ku nool South Africa oo si wadajir ah u taageey Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka
- Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
- Madaxweynaha Itoobiya oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay Xasan Sheekh Maxamuud
- Al-shabaab oo kasoo horjeestay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sheegtayna inay dagaalka sii wadayso
- Qaraxyo ay Mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo lagu weeraray Hoteel uu Muqdisho ka deggen yahay Madaxweynaha Soomaaliya
- Xiisad dagaal oo ka taagan Goobihii ay shalay ku dagaalameen Ciidamada, Kenya iyo Al-shababa ee Gobolka Jubbada Hoose
- Kulan dhexmaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Madaxweynihii DKMG ahayd iyo Afhayeenka Baarlaamanka Somalia