Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aysan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wataan dalal cadow ku ah Soomaaliya.
Bayaankan oo uu ku saxiixnaa afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa lagu sheegay in doorashadan ay sii kordhinayso dhibaatadii ay shacabka Soomaaliyeed ku hayeen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalal Soomaaliya dan ka leh.
"Al-shabaab uma aragto doorashadan mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed. Waayo waxaa ka dhex muuqda danaha reer galbeedka ay ka leeyihiin gobolka. Booskii laga wareejiyay Shariif waxaa lagu bedelay hoggaamiye kale oo aan waxba dhaamin," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay Al-shabaab soo saartay.
Sidoo kale, Al-shabaab waxay sheegtay in doorashada madaxweynaha cusub ay tahay mid lagu sii carqaladeynayo Soomaaliya. "Sidee doorasho xog ah oo xaq ah ay uga dhici kartaa dal la haysto dhul ahaan, bad iyo cirba, dhaqaalena uusan ka jirin?" ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab kasoo baxay.
Bayaanka Al-shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee doortay madaxweynaha cusub ay saddex meelood laba meel yihiin kuwo haysta baasaboorro ajnabi oo aan matali karin shacabka Soomaaliyeed, ayna meteli karaan oo keliya dalalka ay baasboorrada ka haystaan.
"Waan la dagaalami doonnaa gaala-raacyada ah horayna waan ula dagaalami jirnay. mana ogolaanayno in shisheeyaha ay gurtaan khayraadka Soomaaliya iyo weliba dhaqaalaheeda," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka AMISOM.
Ugu dambeyn, Al-shabaab waxay warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay inaysan dadka Soomaaliyeed taageerin xukuumadda cusub, balse taas badalkeeda ay taageeraan jihaadka inta laga hirgelinayo Soomaaliya oo dhan ku dhaqanka sharciga Islaamka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Al-shabaab oo kasoo horjeestay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sheegtayna inay dagaalka sii wadayso
More News
- Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Madaxweynaha cusub la caleemo saari doono Todobaadka soo socda
- Somalida ku nool South Africa oo si wadajir ah u taageey Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka
- Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
- Madaxweynaha Itoobiya oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay Xasan Sheekh Maxamuud
- Qaraxyo ay Mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo lagu weeraray Hoteel uu Muqdisho ka deggen yahay Madaxweynaha Soomaaliya
- Xiisad dagaal oo ka taagan Goobihii ay shalay ku dagaalameen Ciidamada, Kenya iyo Al-shababa ee Gobolka Jubbada Hoose
- Kulan dhexmaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Madaxweynihii DKMG ahayd iyo Afhayeenka Baarlaamanka Somalia
- Dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Qarax ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir