Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Harboole ee duleedka Afmadow halkaasoo ay shalay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.
Dagaalkii shalay oo ahaa mid aad u xooggan islamarkaasina qaatay saacado badan ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay khasaarooyin lixaad leh, wallow aan la cadeyn Karin tirade rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay.
Saraakiil u hadashay labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shalay, waxaana afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubooyinka Max’ed Faarax Daahir uu sheegay in dagaalkii shalay ay khasaarooyin lixaad leh ugu geeysteen xoogagga Al-shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in ay wiiqeen awoodii Al-shabaab islamarkaasina ay markan u fududahay in ay si fudud u qabsadaan Kismaayo, wuxuuna sheegay in dhankooda aysan jirin wax khasaaro weyn ah oo kasoo gaaray dagaalkii shalay.
Dhinaca kale saraakiil iyaguna u hadashay Al-shabaab ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay ciidamada Kenya uga dileen askar badan islamarkaasina ay dib isaga caabiyeen, waxayna sheegeen in ay haatan kaabiga ku hayaan magaalada Afmadow.
Goobjoogayaal ku sugan Afmadow ayaa HOL u sheegay in saaka laga cabsi qabo in markale ay dagaallo ka qarxaan goobihii shalay lagu dagaalamay oo ay labada ciidan isku horfadhiyaan waxaana suurogal ah in uu halkaasi dagaal ka qarxo saacad walba.
Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa qorsheynayay in ay dagaal ku qabsadaan magaalada Kismaayo oo ay siweyn ugu xoogganyihiin Al-shabaab, haseyeeshee waxa usuurogeliweysay in ay ka gudbaan difaacyada ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanada dhanka galbeed uga began Kismaayo halkaasoo Xarakada Al-shabaab ay isugu geysay kumannaan katirsan ciidamadeeda si ay u difaacaan magaalada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Xiisad dagaal oo ka taagan Goobihii ay shalay ku dagaalameen Ciidamada, Kenya iyo Al-shababa ee Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Madaxweynaha cusub la caleemo saari doono Todobaadka soo socda
- Somalida ku nool South Africa oo si wadajir ah u taageey Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka
- Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
- Madaxweynaha Itoobiya oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay Xasan Sheekh Maxamuud
- Al-shabaab oo kasoo horjeestay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sheegtayna inay dagaalka sii wadayso
- Qaraxyo ay Mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo lagu weeraray Hoteel uu Muqdisho ka deggen yahay Madaxweynaha Soomaaliya
- Kulan dhexmaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Madaxweynihii DKMG ahayd iyo Afhayeenka Baarlaamanka Somalia
- Dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Qarax ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir