Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.
Girma oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in madaxweyne si xor lagu soo doortay uu hoggaamiyo Soomaaliya uuna haddana Soomaalida ugu hambalyeynayo doorashadaas, isagoo sheegay in doorashadan ay soo celin doonto rajadii shacabka Sooamalida.
"Anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo dowladda Itoobiya waxaan u hambaleynayaa madaxweynaha ay baarlamaanka Soomaaliya doorteen, Xasan Sheekh Maxamuud," ayuu yiri Girma oo sheegay in Itoobiya ay kala shaqeyn doonto dowladda Somalia sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay, isagoo kaga adkaaday wareeggii ugu dambeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu natiijada soo baxday ku qanacsan yahay.
Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Haile Mariam Disaleng ayaa isaguna sheegay inuu soo dhaweynayo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh mid u dhacday si xorriyad ah.
Xukuumadda Itoobiya ayaa waxay saaxiibbo dhow la ahayd madaxda dowladihii soo maray Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn inta uu le'ekaan doono xiriirka dhexmara iyaga iyo dowladda cusub ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo gacan ka siinaya ciidamada dowladda dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab oo weli ka taliya dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Itoobiya oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan la doortay Xasan Sheekh Maxamuud
More News
- Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Madaxweynaha cusub la caleemo saari doono Todobaadka soo socda
- Somalida ku nool South Africa oo si wadajir ah u taageey Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka
- Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday Magaalada Muqdisho
- Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
- Al-shabaab oo kasoo horjeestay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sheegtayna inay dagaalka sii wadayso
- Qaraxyo ay Mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo lagu weeraray Hoteel uu Muqdisho ka deggen yahay Madaxweynaha Soomaaliya
- Xiisad dagaal oo ka taagan Goobihii ay shalay ku dagaalameen Ciidamada, Kenya iyo Al-shababa ee Gobolka Jubbada Hoose
- Kulan dhexmaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Madaxweynihii DKMG ahayd iyo Afhayeenka Baarlaamanka Somalia
- Dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Qarax ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir