4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Kulan dhexmaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Madaxweynihii DKMG ahayd iyo Afhayeenka Baarlaamanka Somalia

Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya, waxanaa goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulankan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa wararka hoose ee laga helayo waxay sheegayaan in mas'uuliyiintan ay uga hadleen sidii ay wadashaqeyn u dhexmari lahayd, maadaama ay dhiman yihiin howlo badan oo sugidda ammaanka ay ka mid tahay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu weydiistay madaxweynihii hore inuu ku biiriyo waayo-aragnimadiisa sidii uu howlaha dhiman u dhameystiri lahaa, iyadoo Shariif Sheekh uu ka qabalay arrintaas uuna ka ballan-qaaday inuu la shaqeyn doono.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayaa ammaanay sida sharafta leh ee uu u ogolaaday madaxweynihii hore natiijada doorashada uuna xilka ugu wareejiyay, iyadoo lagu wado inay dhawaan dhacdo xaflad ay madaxweynaha cusub iyo kii hore xilalka kula kala wareegayaan.

Xasan Sheekh Maxamuud oo 57-jir ah ayaa wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya kaga adkaaday habeen hore madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed kaddib markii uu helay 190 cod, halka uu madaxweynihii hore ka helay 79-cod oo keliya.

Lama shaacin xilliga ay dhacayso xil wareejinta, iyadoo madaxweynaha cusub uu daggan yahay hadda hoteel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana doorashadan ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo si nabadgalyo ah uga dhacda Muqdisho muddo 21-sano ah kaddib.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya