4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo loo Diiday in ay Gudaha u Galaan Kismaayo
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) —Wafdi kasocday dowladda Soomaaliya iyo AMISOM islamarkaasina kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Wafdigan oo isugu jiray Saraakiil ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM  iyo saxafiyiin ayaa markii ay gaareen garoonka magaalada Kismaayo waxa u yimid saraakiil katirsan ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka Kismaayo, waxayna ku wargeliyeen in ay dib ugu laabtaan diyaaradihii keenay.

Mid kamid ah saxafiyiintii wafdiga la socotay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in diyaaradda ay markii hore keentay saxafiyiinta kadibna ay dib ulaabatay oo ay soo qaaday xubno isugu jira dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, wuxuuna intaa ku daray in loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada, kadib markii saraakiisha Kenya ay sheegeen in wafdiga uusan ahayn mid imaatinkiisa laga warqabay islamarkaasina aysan damaanad qaadi karin ammaankooda.

Wafdigan ayaa waxa kamid ah xubno madaxweeynaha Soomaaliya uu usoo magacaabay in ay qiimeyn kusoo sameeyaan xaaladda Kismaayo iyo weliba dhuxusha laga dhoofinayo dekedda.

Qaar kamid ah saxafiyiintii wafdiga la socday ayaa la sheegay in ilaa imika ay ku xayiranyihiin garoonka magaalada Kismaayo kadib markii ay ka buuxsantay diyaaraddii qaadi lahayd, waxayna saraakiisha Kenya ee garoonka ku sugan u sheegeen in aysan masuul ka ahayn ammaankooda.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo iyo kan dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay arinta la xiriirta wafdiga maanta dib looga celiyay garoonka Kismaayo.

Wafdigan ayaa marar badan ka baaqday safar uu ku imaan lahaa magaalada Kismaayo, arintaasoo loo aaneynayo khilaaf mudooyinkii u danbeeyay soo shaacbaxayay oo ka dhashay maamul u sameynta Jubooyinka oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo maamulka KMG ee degmada Kismaayo.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya