4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo qof rayid ah ku toogtay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay aroortii hore ku toogtay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa darawal ka mid ah kuwa kexeeya gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.

Darawalka la toogtay iyo askariga ayaa la sheegay inuu dhexmaray muran salka ku haya lacago baad ah oo qaar ka mid ah ciidamada dowladda ay gaadiidka BL-ka ah uga qaadaan boosteejooyinka ay ka rarka ka qaataan.

"Muran dhexmaray darawalka iyo askariga ayaa sabab u ahaa in askariga uu dhow xabbadood oo isdaba-joog ah ku dhufto darawalka, halkii ayuuna ku geeriyooday," ayuu yiri darawal kale oo goobjoog ka ahaa halka uu dilku ka dhacay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in askariga dilka geystay ay markiiba qabteen lana horgeyn doono sharciga; isagoo sheegay in markii horeba uu ku jiray askariga falal sharciga ka horimaanaya, dambi lahaad oo dil ahna uu geystay.

Tan iyo markii lasoo dhisay dowladda joogtada ah ee Soomaaliya waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladdu u geysanayaan shacabka, waxaana dhowr jeer ay ciidammo ka tirsan dowladda toogasho ku dileen dhowr qof oo ay ku jiraan arday.

Dilkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Muqdisho ay ka socdeen howgallo lagula dagaalamayo askarta dowladda ee hubka ku dhexwata magaalada iyo isbaarooyinka ay dhiganayaan, iyadoo maydka darawalka ay goobta ka qaadeen ehelladiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya