4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Dableey Bastoolado ku hubeysan oo Qof rayid ah ku toogtay Degmada Mandheera iyo kooxo kale oo Dab Qabadsiiyay Guryo

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay bartamaha degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya nin rayid ah, iyadoo la sheegay in kooxaha dilka geystay ay markiiibta goobta isaga baxsadeen.

Dilka kaddib ayaa kooxo careysan oo dhallinyaro u badan waxay dab-qabadsiiyeen guryo ay deggenaayeen dad danyar ah oo ku yaalla bartamaha magaaladaas, iyadoo aan la ogeyn in dilka iyo gubniinka guryaha ay yihiin waxyaabo isku xiran.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa markiiba goobta soo gaaray; iyagoo billaabay inay sugaan ammaanka magaalada ayna ka hortagaan kooxaha rabshadaha wada, waxaana dilkan uu imaanayaa iyadoo dhawaanahan uu ka jiray magaaladaas ugaarsi u dhexeeya beelo kala dega degmada Mandheera iyo degmada Ceelwaaq ee dalka Kenya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay baxsadeen, iyadoo aanay jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka qofkaas rayidka ah, waxaase horay loogu eedeyn jiray dilalka ka dhaca degmadaas Xarakada Al-shabaab.

Magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa waxay masaafo hal kiiloo-mitir ah u jirtaa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana ka dhacayay tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka shacabka, shaqaalaha samafalka iyo weliba ciidamada Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya