4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida oo ugu baaqay Al-shabaab inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Soomaaliya ku sugan

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha shabakadda Al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagalaantay inay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.


Fariin muuqaal ah oo lagu baahiyay bar Internet oo ay Al-shabaab leedahay ayuu ku sheegay in Al-shabaab ay qaadaan weerarro culus oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan jabhadeynta, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro gaadmo ah kuwaasoo ay la beegsanayaan ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira.

"Waa inaad dagaalka wadaan, haka baqina tirada ciidamada AMISOM waayo kuwo uu taageerayo Mareykanka," ayuu yiri Ayman Al-Zawahiri oo intaas ku daray inay sii wadaan dagaalka inta ay Kenya ka saarayaan deegaannadii ay horay u qabsatay oo ay ku jirto Kismaayo.

Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida wuxuu hadalkiisa ku daray in xabbada jihaadka ay dhadhansiiyaan ciidamada Soomaaliya ku sugan, isagoo xusay in laga guuleysan doono ciidamada ku sugan Soomaaliya sidii looga guuleystay ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa Ciraaq iyo Afgaanistaan.

Al-Zawarihir ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo Al-shabaab ay dhul ballaaran oo ay ka talin jirtay lumisan sannadkan oo keliya, kuwaasoo ay kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee iskaashanaya.

Hadalka hoggaamiyaha Al-Qaacida ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan uu ku dhawaaqay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya golihiisa wasiirrada oo ka kooban 10 xubnood, kuwaasoo qorsheynaya inay dalka horumariyaan kaddib labaatan sano oo ay dagaallo socdeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya