3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Wefdi ka socda shirkad kuwa shiidaal baara ah oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland [SAWIRRO]

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa shalay qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefti ka socday shirkad baadhitaan shidaal ka bilaabmaysa Somaliland.

Madaxwaynaha ayaa kulankiisa waxa ku weheliyay Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirrada Arimaha dibada, Xuseen Cali Ducaale, Macdanta iyo biyaha iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah xukuumadda Somaliland.

Weftigan oo ka socda shirkadda shidaalka ee Genel Energy, ayaa Madaxwaynaha iyo Wasiirrada Somaliland la yeesheen kulan albaabadu u xidhnaayeen,haseyeeshee markii shirkaasi dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Macdanta iyo biyaha iyo sarkaalkii wadday weftigan ee ka socday shirkadda baadhaysa shiidaalka.

Wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cali Ducaale waxa uu tilmaamay in weftigani ay Madaxwaynaha Somaliland uga warameen qorshaha ay shidaalka kaga baadhayaan dalka, taasi oo ku timid heshiis hore u dhex maray shirkadda iyo Wasaaradda Macdanta iyo biyaha.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uga mahad-celiyay weftigan ka socda shirkadda booqashada ay ku yimaadeen Somaliland oo ay ka jirto nabadgalyo buuxdda oo la isku halayn karo, isla-markaana lagaga fulin karo mashaariic waaweyn oo horumarineed.

Dhanka kale, hogaamiyaha weftigan ka socda shirkadda Genal Energy ayaa Madaxwaynaha Somaliland guddoonsiiyay bilad sharaf qiimo badan, taasi oo uu Madaxwaynuhuna ka guddoomay.

Shirkadan ayaa iskugu jira Ingiriis iyo Turki, kuwaas oo doonaya in sanadkan dhamaadkiisa ka bilaabeen qodista shiidaalka Somaliland, iyagoo sheegay in lacag afartan milyan lagu qiyaasay ku maalgalin doonaan sahaminta shiidaalkaasi.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
11/7/2012 1:24 PM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) —Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya iyo AMISOM islamarkaasina kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

11/7/2012 7:56 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari, laanteeda magaalada Boosaaso ayaa maanta xukun ku riddey nin shalay si arxan darro ah mid kale xaafadda Biyo-kulule ugu diley.

11/7/2012 7:40 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socota la horkeenayo baarlamaanka xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra'iisul wasaare, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid).

11/7/2012 7:24 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr:Xasan Maxamed Yuusuf ayaa dareen sas leh ka muujiyey xeerka hay’adda Sirdoonka Qaranka ee labadda gole ansixiyeen, una gudbiyeen madaxweynaha inuu dhaqangaliyo, kaas oo ay sheegeen inuu ka hor imanayo xoriyada iyo madax banaanidda warbaahinta.

11/7/2012 7:24 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Ololaha Tartanka doorashooyinka golaha Deegaanka Somaliland, ayaa galay wareegii labaad ee dhoolatusyadda xisbiyada iyo ururadda samaynayaan, kuwaas oo samxad iyo cidhiidhi ka dhigay wadooyinkii farasmagaalooyinka Somaliland.

11/7/2012 7:06 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha shabakadda Al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagalaantay inay kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

11/7/2012 6:37 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku dilay bartamaha degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya nin rayid ah, iyadoo la sheegay in kooxaha dilka geystay ay markiiibta goobta isaga baxsadeen.

11/7/2012 6:00 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex ruux oo caruur ahna way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor-dhow ku qarxay barxadda weyn ee masjidka Isbahaysiga Islaamka oo kasoo horjeeda xarunta baarlamaanka Muqdisho.

11/7/2012 5:15 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa mar labaad loo doortay inuu hoggaamiyo Mareykanka afarta sano ee soo socota, kaddib markii uu helay 303 cod oo ka badan codadkii loo baahnaa.

11/7/2012 3:01 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka bilaabatay dhoofinta dhuxusha oo uu xusay in ay go’aan kasoo saartay dowladda Soomaaliya.

11/7/2012 1:52 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa saakay aroortii hore ku toogtay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa darawal ka mid ah kuwa kexeeya gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.

11/7/2012 1:44 AM EST
Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo dhowaan booqasho ku maray qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland ayaa shir jaraa'id oo uu magaalada Gaalkacayo ku qabtay kaga hadlay arrimo badan.