Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr:Xasan Maxamed Yuusuf ayaa dareen sas leh ka muujiyey xeerka hay’adda Sirdoonka Qaranka ee labadda gole ansixiyeen, una gudbiyeen madaxweynaha inuu dhaqangaliyo, kaas oo ay sheegeen inuu ka hor imanayo xoriyada iyo madax banaanidda warbaahinta.
Gudoomiyuhu waxa uu madaxweynaha ka codsaday in aanu xeerkaasi dhaqangalin oo dib ugu soo celiyo labadda gole Baarlamaan si wax ka bedel loogu sameeyo, loogana saaro qodobo ka hor imanaya madax banaanidda warbaahinta iyo xoriyatul qawlka.
“Waxaan war-murtiyeedkan ku cadaynayaa in aanu si weyn uga walaacsanahay xeerka hay’ada sirdoonka oo ay ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanku (Guurtida iyo Wakiillada). Kaas oo saameyn taban ama foolxun ku yeelan karaya xoriyatul-qowlka”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ay uu soo saaray gudoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf.
Waxa uu intaas ku daray “waxaanu Saxaafad ahaan ugu baaqaynaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), in wax laga bedelo oo aan sidda uu yahay lagu sii deynin xeerkan. Gaar ahaan, qodobka 7-aad, farqadiisa 11-aad, kaas oo awood u siinaya sirdoonka inay faaf-reeb ku sameeyaan wax soo saarka warbaahinta una dhigan sidan. 11.La socodka qalabyada warbaahinta,qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahan yihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xanbaarsan yihiin iyo waxkasta oo ku duugan (publication press and propaganda)”.
“Dabcan, faaf-reerbku waxaa uu xad-gudub ku yahay distoorka Qaranka Somaliland iyo xeerka Saxaafadda Somaliland oo Madaxweyne aad damaanad qaaday ilaalintiisa waqtii aad ku jirtay ololaha doorashada Madaxtooyadda. Xoriyatul-qowlkuna waa waxyaabaha ay Somaliland kaga duwantahay waddamada jaarka ah, sababtoo ah waxaa u naf waayay in ka badan 100,000. Hadii ay dhacdo inaad saxeexdo madaxweyne xeerkan dhaqan galkiisa, waxaa aad noqon doontaa nin ogol in dadka la cabudhiyo labaatan sanadood oo Somaliland saxaafadu si firfircoon uga hawl-galaysay ka dib. Islamarkaana, lagu xasuusto muddo dheer ka dib arrintaasi”ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.
Gudoomiyuhu waxa uu hay’adaha ugu dooda xuquuqda aadamah iyo dawladaha la saaxiibka somaliland inay cadaadis ku saaraan sidii xeerkaasi dabraya warbaahinta looga saari lahaa.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Ururka Saxaafadda Somaliland oo Cabsi ka muujiyey qodob ku jira xeerka Hay’adda Sirdoonka ee dhawaan la ansixiyay
More News
- Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo loo Diiday in ay Gudaha u Galaan Kismaayo
- Maxkamadda Gobolka Bari ee Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay Nin Saaxiibkiis Dilay Kaddibna Meydkiisa Jar-jaray
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Xukuumadda Cusub la horkeeni doono Baarlamaanka Sabtida soo socota
- Ololihii Tartanka Doorashooyinka Somaliland oo Wareegii Labaad galay iyo Ciiriri laga Dareemayo Magaalooyinka Waaweyn [SAWIRRO]
- Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida oo ugu baaqay Al-shabaab inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Soomaaliya ku sugan
- Dableey Bastoolado ku hubeysan oo Qof rayid ah ku toogtay Degmada Mandheera iyo kooxo kale oo Dab Qabadsiiyay Guryo
- Baabuur Walxaha Qaraxa laga buuxiyay oo ku Qarxay dibadda Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho
- Madaxweyene Obama oo mar labaad loo doortay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Mareykanka
- Danjire Cali Ameeriko oo ku baaqay in la joojiyo dhoofka dhuxusha ee ka billaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo
- Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo qof rayid ah ku toogtay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho
- Wefdi ka socda shirkad kuwa shiidaal baara ah oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland [SAWIRRO]
- CABDIWELI GAAS: "Dadweynaha ku nool Deegaannada Puntland waxay ii sheegeen in ay jiraan xoriyad la'aan iyo cadaadis"