4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Ololihii Tartanka Doorashooyinka Somaliland oo Wareegii Labaad galay iyo Ciiriri laga Dareemayo Magaalooyinka Waaweyn [SAWIRRO]

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Ololaha Tartanka doorashooyinka golaha Deegaanka Somaliland, ayaa galay wareegii labaad ee dhoolatusyadda xisbiyada iyo ururadda samaynayaan, kuwaas oo samxad iyo cidhiidhi ka dhigay wadooyinkii farasmagaalooyinka Somaliland.

Dhoolatusyadan ururada ay ku soo bandhigayaan cududoodda taageero, ayaa magaalooyinka waaweyn ka dhigtay mid cidhiidhi ah, ka dib markii gaadiid farobadan oo ay dhalinyaro badani dhinacyadda ka laalaadaan ku dhex wareegayaan wadooyinka magaaladda dhexdeedda, kuwaas oo halis galiya taageerayaasha xisbiyada ee ka lusha baabuurta muraayadahooda iyo xagoodda sareba.

Ciidanka booliska ayaa iyagu daawadayaal ka noqday dhallinyarada halista ugu jiray inay dhibaato ka soo gaadho dhallinyarada baabuurta xaga sare ka fuushan ee qayladda iyo sawirada musharaxiinta lulaya, kuwaas oo ku xadgudbay sharciga wada marista oo dhawr jeer oo hore Taliyeyaasha ciidanka amniga iyo komishanka Doorashooyinkuba ku baaqeen in baabuurta laga yeelin inay xaga sare laga fuulo ama daaqada kurka lagala soo baxo, maadaama oo halis ay galinayso taageerayaasha qaabkaasi ku dhaqma, haseyeeshee ciidanka amniga oo ahayd inay wax ka qabato ila hadda waxba kamay qaban, inkastoo ilaa hadda wax khasaare ah la soo sheegin.

Gaadiid badan oo u badan basaska rakaabka oo aad u buuxa ayaa musharx waliba ka soo buuxiyaa taageerayaashiisa, kuwaas oo lulaya sawirkiisa io calanka xisbiga ama ururka si uu uga dhex muuqdo musharaxiinta kale, waxaanay galinka hore oo dhan ku dhex wareegaan magaalooyinka dhexdoodda, taasina waxay u keentay dadweynihii caadiga ahaa ee hawlahoodda u socday ay saacado badan ku qaadato inay gaadhaan goobihii ay u socdeen samxadda awgeed.

Si kastaba ha ahaate, maalinba maalinta ka dambaysa ayaa si weyn usoo xoogaysanayaan ololaha tartanka doorashooyinka ee xisbiyda iyo musharaxiinta dhexdoodaba ka dhexeysa, waxaana habeen walba xilliyada dambe ee habeenkii  maqlaysa iyadoo la tijaabinayo ama lala dhex wareegayo wadooyinka baabuur sameecado waaweyn lagu xidhay oo ay ka baxayaan heeso loo qaadayo xisbiga ama musharax, waxaana habeen iyo maalinba kor u sii kacaya xafiiltanka ka dhexeeya xisbiyada, isagoo mid waliba ku dadaalayo inuu muujiyo awoodiisa taageero ee uu shacabka ka haysto.

Haseyeeshee, waxaynu eegi doonaa cidda ay guushu raacdo maalinta doorashada, maadaama oo bishan lagu jiri doono bil jahawareer iyo buuq, lana filayo in bishan 28 November, 2012 ay doorashaddu dhici doonto, ololahana la soo gebogabayn doono 25 November.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland