4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Danjire Cali Ameeriko oo ku baaqay in la joojiyo dhoofka dhuxusha ee ka billaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka bilaabatay dhoofinta dhuxusha oo uu xusay in ay tahay arin xad gudub ku ah go'aankii ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay dhoofinta dhuxusha.

Danjiraha oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay joogaan doomo si qarsoodi ah ku daabulaya dhuxusha, isagoona ugu baaqay beesha caalamka in ay tixgeliso go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucday jarista dhirta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in aan dalka laga dhoofin Karin dhuxha oo ay dowladdu sheegtay in ay dhibaato ku tahay deegaanka iyo ammaanka dalka.

Danjire Cali Ameeriko ayaa sheegay in dowladda ay ku dhawaaqday guddi kahortaga jarista dhirta oo iyadu siweyn uga socota qeybo katirsan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Hadalkan kasoo yeeray danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Kismaayo ay ka bilaabatay dhoofinta dhuxusha, waxaana dakadda magaalada ku xiran doomo ganacsi oo daabulaya dhuxusha.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa sheegay in la joojin doono dhoofinta dhuxusha marka magaalada laga nadiifiyo dhuxusha faraha badan ee imika ku diyaarsan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya