4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 7 , 2012
Baabuur Walxaha Qaraxa laga buuxiyay oo ku Qarxay dibadda Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho

Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex ruux oo caruur ahna way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor-dhow ku qarxay barxadda weyn ee masjidka Isbahaysiga Islaamka oo kasoo horjeeda xarunta baarlamaanka Muqdisho.

Qaraxan ayaa lagu soo beegay xilli ay xildhibaannada baarlamaanku kasoo baxayeen xarunta golaha shacabka oo ay ku lahaayeen kulan ay uga doodayaan xeerarka uu ku shaqeynayo baarlamaanka Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

"Maydadka hal askari oo goobta ilaalo ka hayay ayaa arkay, sidoo kalena saddex baabuur oo goobta taallay ayaa ku burburay qaraxa," ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaashii ku sugnaa goobta oo la hadlay HOL. Isagoo intaas ku daray inuu arkay qaraxa kaddib guddoomiyaha baarlamaanka oo laga bixinayo xarunta golaha shacabka.

Goobjoogaha ayaa sheegay in loo maleynayo in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay, isagoo sheegay in gaariga qarxay noociisa uu ahaa noociisu Land Cruiser (Runet) kaasoo la dhigay barxadda ay dhigan jireen gaariga xildhibaannadu baarlamaanka Soomaaliya.

"Qaraxu wuxuu ahaa mid weyn, waxaana uu gaarigu qarxay markii xildhibaannada inta badan ay ka tageen goobta kuwo kalena ay weli ku jiraan xarunta golaha shacabka," ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa markii uu qaraxu dhacayay.

Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xiray goobta iyadoo loo diiday inay galaan saxafiyiinta, waxaana socda baaritaanno ay wadaan ciidamada kuwaasoo ku saabsan sababta keentay in gaariga halkaas la dhigo.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka, balse guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka, Warsame Joodax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in weerarkan ay mas'uul ka tahay Xarakada Al-shabaab, balse uusan waxyeello u geysan sida ay doonayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya