Arbaco, November 07, 2012 (HOL) — Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari, laanteeda magaalada Boosaaso ayaa maanta xukun ku riddey nin shalay si arxan darro ah mid kale xaafadda Biyo-kulule ugu diley.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda Bashiir Ismaaciil Axmed, ayaa markii uu xukunku dhacay kadib warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in eedeysanahan oo lagu magacaabo Cabdisamed Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis) ay isla shalay ciidamada Boolisku falkaas usoo qabteen.
Wuxuuna intaas ku daray in uu si cad maxkamadda horteeda uga qirtey in uu isagu yahay qofka diley Abaadir Iimaan Axmed (Ilko-case) oo ay saaxiibo ahaayeen, islamarkaana ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.
Sababta xukunkan loosoo dedejiyey ayuu ku sheegay in ay tahay si looga hortago in lagu dhiirado falka noocan oo kale ah, maadaama uu yahay mid si weyn looga argagaxay, kuna cusbaa dhegaha bulshada.
Ninka xukunka lagu ridey ayaa dhankiisa mar wax laga weydiiyey sababta uu saaxiibkiis u diley iyo weliba waxa ku kalifay in uu meydkiisa jar-jaro sheegay, in ay murmeen iyaga oo sarkhaansan xilli ay maandooriye isticmaalayeen.
" Waan cabsaneyn, kadibna ninka waan muranay, waan xanaaqay oo toorey ayaan dhuunta ka geliyey, kadibna waxan garan waayey si aan yeelo, waxan ku fekeray in aan meydkiisa jar-jaro si aan u qariyo oo aan loo arkin" Gacan ku-dhiiglaha dilka geystey ayaa yiri.
Shalay ayey ahayd markii meydka qof jar-jaran lagu arkay kaamka barakacayaasha Buulo-mingis ee bariga magaalada Boosaaso, waxaana arintaas si weyn uga argagaxay bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Maxkamadda Gobolka Bari ee Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay Nin Saaxiibkiis Dilay Kaddibna Meydkiisa Jar-jaray
More News
- Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo loo Diiday in ay Gudaha u Galaan Kismaayo
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Xukuumadda Cusub la horkeeni doono Baarlamaanka Sabtida soo socota
- Ururka Saxaafadda Somaliland oo Cabsi ka muujiyey qodob ku jira xeerka Hay’adda Sirdoonka ee dhawaan la ansixiyay
- Ololihii Tartanka Doorashooyinka Somaliland oo Wareegii Labaad galay iyo Ciiriri laga Dareemayo Magaalooyinka Waaweyn [SAWIRRO]
- Hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacida oo ugu baaqay Al-shabaab inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Soomaaliya ku sugan
- Dableey Bastoolado ku hubeysan oo Qof rayid ah ku toogtay Degmada Mandheera iyo kooxo kale oo Dab Qabadsiiyay Guryo
- Baabuur Walxaha Qaraxa laga buuxiyay oo ku Qarxay dibadda Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho
- Madaxweyene Obama oo mar labaad loo doortay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Mareykanka
- Danjire Cali Ameeriko oo ku baaqay in la joojiyo dhoofka dhuxusha ee ka billaabatay Dekedda Magaalada Kismaayo
- Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo qof rayid ah ku toogtay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho
- Wefdi ka socda shirkad kuwa shiidaal baara ah oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland [SAWIRRO]
- CABDIWELI GAAS: "Dadweynaha ku nool Deegaannada Puntland waxay ii sheegeen in ay jiraan xoriyad la'aan iyo cadaadis"