
Sabti, Maarso 24, 2012-Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa doortay guddoomiye ku xigeenkii 1aad iyo ku xigeenkii 2aad ee shirgudoonka golahaasi.
Loolan adag ka dib waxa cod gacan taag ah ku helay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka 1aad Md: Baashe Maxamed Faarax, halka guddoomiye ku xigeenka 2aadna loo Doortay Md: Cali Yuusuf Axmed, waxaana la tartamayey Md: Ibraahim Axmed Sheekh Muuse oo u tartamayey jagadda guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Md: Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo isna u tartamayey jagadda Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha, haseyeeshee waxa labadan mudane cod aqlabiyad ah kaga badiyey mudanaayashii kale ee jagadaasi kula tartamayey.
Fadhigan maanta oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxaanu ku wargaliyey golaha in maanta cod loo qaadi doono mudanayaasha ku tartamaya jagooyinka banaan ee shirgudoonka, waxaana markii hore labada jaggo isku soo sharaxay 12 mudane, haseyeeshee waxyar ka hor inta aan codka la qaadin waxa ka tanaasulay musharaxnimadoodii siddeed mudane oo sheegay in Danta Qaranka tarteed isku casileen kana noqdeen go’aankii ay markii hore ku doonayeen inay u tartamaan jagooyinkaasi, waxaana isku soo hadhay Afar mudane oo labana ku guuleysteen, labana laga guuleystay.

Guddoomiye Md: Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in golaha ay fadhiyaan 64 mudane oo ka mid ah 82 mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxaana guddoomiye ku xigeenka 1aad ku guuleystay Md: Baashe Maxamed Faarax oo helay 39 cod, halka Md: Ibraahim Axmed Sh. Muuse oo la tartamayeyna uu helay 22 Cod, saddex mudanna ka aamuseen.
Sidoo kale waxa iyana u tartamayey jagadda guddoomiye ku xigeenka 2aad, Md; Cali Yuusuf Axmed oo helay 43 Cod, halka Md: Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ka helay 20 mudane, hal mudanana ka aamusay, guddoomiyuhuna aanu codayn.
Ka dib markii cod la isku muquuniyey waxa halkaasi ka hadlay shirguddoonka cusub ee la doortay, waxaanay mudanayaasha uga mahadnaqeen codka ay siiyeen, iyagoo kuwii u codeeyey iyo kii aan u codeynba u mahadnaqay, balan qaadayna inuu goluhu u sinaanayo xildhibaanadda golaha.

Sidoo kale, waxa iyaguna warbaahinta la hadlay labaddi mudane ee laga guuleystay Md: Ibraahim Axmed Sh. Muuse iyo Md: Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo u hambalyeeyey labadda mudane ee ka guuleystay, isla markaana sheegay inay si dimuqraadiyad ah oo cadaaladda u dhacday, waxaanay ku booriyeen inay golaha ku hagaan si wanaagsan oo dhexdhexaad ah, iyagoo kuwii u codeeyey iyo kii ka codeeyeyba u mahadnaqay.
Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna sheegay in si dimuqraadiyad ah oo cad ay u kala baxeen mudanayaasha u tartamayey jagooyinka banaanaaday ee shirgudoonka, una mahadnaqay mudanayaashii kala guuleystay iyo kuwii u kala codeeyeyba..jpg)
.jpg)
Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland