Howlgal lagu soo qabqabtay xubno Al-shabaab ka tirsan oo Muqdisho ay ka sameeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah oo iskaashanaya ay kusoo qabteen howlgallo ay Muqdisho ka sameeyeen afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Howgalka lagu soo qabtay afartan ruux ayay AMISOM sheegtay inuu ka dhacay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, iyadoo la sheegay in afartaan ruux oo jira labaatameeyo sano la rumeysan yahay inay ku biireen Al-shabaab muddo hal sano laga joogo.

"Dhallinyaradan waxaa la rumeysan yahay inay Al-shabaab ku biireen sannad ka hor, waxayna ku noolaayeen magaalada tan iyo bishii Ogoosto oo ay Al-shabaab ka baxday Muqdisho. Waxaana lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarro lagu qaaday xarumaha AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AMISOM.

Raggan ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in lagu qabtay baasuukayaal, qoryaha fudud, bambooyin iyo rasaas. Kabtan Cabdi Maxamed oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ee qaybta la qaatay soo qabashada raggan ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxaha taageera Al-shabaab.

Mid ka mid ah ragga lasoo qabtay oo 25-jir ahaa magaciisana ku sheegay C/qaadir Cabdi, ayaa sheegay inay ahaayeen unug Al-shabaab ka tirsan uuna hoggaamiye u ahaa: C/fitaax Mukhtaar Maxamed, Ciise Maxamed Faarax iyo Cabdi Ayaanle Max'ed oo ahaa raggii lala qabtay.

"Unugyada argagaxisada ah waxay maalintii ku dhuuntaan guryaha, markii la gaaro habeenkiinna waxay fuliyaan howgallo argagaxiso. Toddobaadkan oo keliya waxay weerareen saldhigyo ay ciidamadu ku leeyihiin Isbitaalkii Carrafaat iyo ex-koontarool Balcad," ayuu yiri Katabn Cabdi Maxamed.

"The terrorist cell had been cowering indoors during the day and conducting acts of terrorism during the night. This week alone they had attacked our positions at Arafat Hospital and ex-control Balaad."

AMISOM waxay sheegtay in toddobaadkii hore oo keliya la qabtay 50-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kaddib howlgallo laga sameeyo degmooyinka Muqdisho oo ay ka taliso dowladda KMG ah.

"Waxaan sii wadi doonnaan taageerada aan ciidamada dowladda KMG howlagallada ay ku xaqiijinayaan ammaanka iyo xasilloonida Muqdisho. Wararka aan ka helayno shacabka Muqdisho ayaa suurogal ka dhigay in howlgallada la sameeynayo lagu soo qabqabto xubno Al-shabaab ka tirsan," ayuu yiri taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Fred Mugisha.

AMISOM waxay qoraalkooda kusoo gabgabeysay inay tababarro siiyeen 600-askari oo ka tirsan ciidamada booliiska iyo kuwa ammaanka Muqdisho si ay qayb uga qaataan dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya