Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ciidamada maamulka gobolka iyo xoogagga Al-shabaab.
Dagaalka ayaa billowday kaddib markii ay xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidammo ka tirsan kuwa maamulka gobolka u tiilay xaafadda Buundo-weyn ee bartamaha Beledweyne, waxaana rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac si weyn looga maqlayay inta badan xaafadda degmada.
Illaa hadda lama sheegin wax khasaare ah oo dagaallka ka soo gaaray dhinaca ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, walow qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ay sheegeen in ay khasaare xoog leh gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.
Dagaallka xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmay xili todobaadkii tagay dadka ku dhaqan magaalada dareemeen isbadal dhinaca nabad-galyada ah, kadib markii ay ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa Itoobiya xoogaga saareen sugida amaanka.
Waxaa socda saakay baaritaano qeybo ka mid ah magaalada gaar ahaan aagagii lagu dagaallamay ka wadaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, mana jirto cid loo soo xiray dagaallkii xalay ka dhacay magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya