Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo sheegtay in Maydka Madaxweynihii hore la aasayo Maalinta Axadda ah

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) � Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berri ah la aasayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf oo ku geeriyooday aroortii hore ee Jimcihii shalay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in maydka marxuumka la keeni doono Muqdisho ka hor inta aan loo duulin magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo lagu aasi doono.

"Maalinta Axadda ah gallinka hore ayaa maydka madaxewynihii hore la keeni doonaa Muqdisho, waxaana loo sameyn doonaa xaflad baroor-diiq ah, kaddibna waxaa loo loo duulin doonaa Gaalkacyo halkaasoo ay u badan tahay in lagu aaso," ayuu yiri C/weli Gaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka tacsiyeeyay geerida, iyadoo kulan deg-deg ah ay kasoo baxeen go'aanno ay ka mid ahaayeen in calanka dalka hoos loo dhigayo muddo toddoba maalmood ah si loogu baroor-diiqo madaxweynihii hore ee geeriyooday.

"Cid walba oo wax ka tabanaysa madaxweynihii hore waxaan leeyahay iska cafiya waayo wuxuu maanta marti u yahay Alle, waxaana u rajeynaynaa inuu Alle siiyo Jannadiisa," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxda DKMG ah ayaa waxay u magacaabeen guddi ka shaqeeya aas Qaran oo loo sameeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, guddigaasoo madax looga dhigay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka warshadaha iyo ganacsiga DKMG. Iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay janaaso kula tukan doonaan Muqdisho.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Faroole oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay aas ugu sameynayso Col. Yuusuf magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in calanka Puntland hoos loo dhigayo muddo saddex casho ah.

Marxuum C/llaahi Yuusuf oo ahaa aasaasihii Puntland, ayaa waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay bishii Oktoobar sannadkii 2004, iyadoo cadaadis caalami ah lagu saaray inuu xilka iska casilo, wuxuuna iscasilay bishii Diseember ee sannadkii 2008.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya