Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ciidan ayaa maanta booqday xeryo ay ku jiraan ciidamada dowladda oo ku yaalla Baydhabo iyo weliba isbitaalka degmadaas.
Afhayeenka iyo xubnaha la socday oo ay ku jireen saraakiil Itoobiyaan ah ayaa goobihii ay tageen waxaa ka mid ahaa saldhigyo lagu tababarayay ciidamada DKMG ah ee ku sugan Baydhabo qaarkood, xabsiga Baydhabo oo ay ku xiran yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab; iyagoo sidoo kale geeyay isbitaalka Baydhabo dawooyin.
"Ciidamada dowladda waa inay xoojiyaan howlaha lagu sugayo ammaanka degmada Baydhabo," ayuu yiri Shariif Xasan oo la hadlay ciidamadii ku jiray xeryaha ku yaalla degmadaas oo muddo bil ah ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sidoo kale wuxuu warbixinno ka dhageysatay saraakiisha tababaraya ciidamada dowladda ee ku jira xeryaha Baydhabo, iyagoo u sheegay inay hayaan waxyaabaha qarxa oo ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen degmada.
Saraakiishu waxay ka dalbadeen guddoomiyaha baarlamaanka inuu gacan ka geysto sidii dayactir loogu sameyn lahaa xerada Salaami oo ka mid ah xeryaha ay ku jiraan ciidamada dowladda ee ku sugan.
Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa wuxuu muddo hal toddobaad ah ku sugan yahay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, isagoo maalmihii lasoo dhaafay kulammo kala duwan la yeeshay maamulka iyo waxgaradka degmada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya