Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeymo ka Geystay Deegaanka Tarako iyo Khasaaro kasoo Gaaray dad Rayid ah

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Diyaaradaha nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ba'an ka geystay Tuulo lagu magacaabo Tarako oo qiyaastii 55km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow halka ay duqeynta ka dhacday, ilaa sedex qof ayaa ku dhimatay shan kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, waxaana dhamaan dadkaas ay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa tuuladaasi.

C/laahi C/raxmaan oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay duqeynta ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraduhu ay si bareer ah u bar tilmaameedsadeen tuulada, isagoona sheegay in duqeynta ay waxyeelo ba'an kasoo gaartay dad rayid ah oo ku dhaqnaa halkaasi.

Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay duqeynta ayaa lagu daweynayaa magaalada Baardheere, iyadoona dadka qaar ay dhaawacyadooda yihiin kuwo halis ah.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo duqeymo ay geystaan diyaaradaha Kenya ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah, haseyeeshee waxaa jirtay in marar badan sidan oo kale duqeymo ay ka geysteen gobollada Jubooyinka iyo Gedo ay waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya